WararkaWaxbarashada

10 Magaalo ee Ugu Mushaarka Wanaagsan Adduunka 2018

Warbixin sanadla ah oo uu soo saaro Deutsche Bank ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay 10 dal ee shaqaalaha ku nooli ay qaataan Mushaarka ugu badan dunida, waana marka la eego ceceliska mushaarka ay shaaqaluhu qaataan oo laga jaray canshuurta.

Warbixinta oo sanad kasta soo baxda bisha May ayaa sanadkan waxaa magaceedu yahay “Khariidada Ascaarta ee Adduunka”, waxaa ku jira daraasad guud oo lagu sameeyay sicirka iyo mushaarka ay shaqaaluhu ku shaqeeyaan magaalooyinka waaweyn ee daafaha kala duwan ee Adduunka, waana mushaarka saafiga ah ee shaqaalaha marka canshuurta laga jaro.

Waxaa warbixinta ka soo baxay 10 magaalo ee ugu mushaarka wanaagsan Adduunka 2018, waxey kala yihiin:

10. Frankfurt, Germany — $3,389

9. Dubai, United Arab Emirates — $3,447

8. Copenhagen, Denmark — $3,462

7. Chicago — $3,650

6. Oslo, Norway — $3,664

5. Boston — $3,740

4. Sydney — $3,914

3. New York City — $4,115

2. San Francisco — $4,974

1. Zurich — $5,764

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close