arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Erdoğan oo Lama Filaan U Sameeyay Muwaadiniin Afur Isku Diyaarineysa

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa lama filaan uga dhigay tiro ka mid ah muwaadiniin Turkiga xilli ay u diyaargaroobayeen Afurka maallinimadii Axadda ee la soo dhaafay, iyagoo markaa ku sugnaa beer ay ugu diyaargaroobayeen xilliga afurka oo ku taalla  xeebaha Istanbul.

Diyaaradda Madaxweynaha ayaa ku dagtay beerta dhanka xeebta ee la yiraahdo Zeytin burnu oo ku taalla qeybta Yurub ee Istanbul, beertii ayuu galay si uu muwaadiniinta ula kulmo xilli ay u diyaargaroobayeen afurka.

Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo uruuray Erdogan, waa uu la sheekaystay, sawirro ayey la galeen, dhankiisa waxa uu alaabo ay ku ciyaaraan u qaybiyay caruurta beerta joogtay.

Sida caadada u ahayd, qof sigaar ku cabayey gudaha beerta ayuu ka qaaday baakaddii sigaarka, waxa uu uga digay khatarta uu leeyahay, waxaana uu codsaday inuu iska joojiyo, waana sida uu sameeyo kormeerradiisa kala duwan oo dhan.

Dadkii beerta joogay ayaa waxey tilmaameen sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha oo lama filaan ku noqotay. Dalka Turkiga ayaa looga ballansan yahay doorashooyin madaxtinimo marka la gaaro 24 bisha soo aaddan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close