WararkaWaxbarashada

Macallimad Qoraal Ay Ka Heshay Trump Ku Aragtay “Khaladaad aan La Aqbali Karin”, Wey Saxday oo Dib Ugu Celisay Aqalka Cad

Macallimad Mareykan ah oo howlgab ah horeyna wax uga dhigi jirtay dugsiyada sare ayaa waxey saxday khaladaad ku jiray qoraal uu u soo doray Donald Trump, marka ay saxday kadib waxey dib ugu celisay Aqalka Cad.

Sida ay qortay jariidada “The Independent“, Yvonne Mason, waxey ku nooshahay gobolka Atlanta, waxey macallimad ahayd 17-sano, waxey sheegtay in farriinta loosoo diray ay ahayd mid ardayga qora qiimeynta lagu sameeyo inuu baaso ay adkaan lahayd, waxeyna sheegtay iney saxday khaladaad badan oo naxwe ah oo farabadan.

Qoraalka ayey ka soo saartay 11 khalad oo si aan habbooneyn xarfaha qaar loo qoray, sida; Madaxweyne iyo Gobol oo hab khaldan xarfaha ay ka bilwodaan loo qoray.

Mason oo la hadashay Jariidada “Greenville News” ee ka soo baxday gobolka “South Carolina”, ayaa tiri: “Haddii warqadani ay ka soo bixi lahayd iskuul dhexe waxaan siin lahaa darajada wanaagsan oo dhexdhexaad ah, haddii uu dugsi sare yahayna baasitaan oo qura ayuu heli lahaa.”, laakiin waxey ka sarriigatay iney wax darajo ah ku dulqorto warqad uu ku saxiixan yahay magac madaxweyne.

Mar ay ka hadlaysay waxa laga fili karo warqad ka soo baxday madaxtooyada waxay tiri: “Marka aad warqad ka hesho madaxtooyada oo ah meelaha ugu sarreya ee dowladda, waxaad fileysaa ugu yaraan inaad hesho qoraal naxwe ah oo saxan.”

Macallimaddan ayaa waxey qoraal ka sameysay dhacdo ay ku dhinteen 17 qof oo ka dhacay iskuul ku yaalla Florida ay ku dalbaneysay in madaxtooyadu ay la kulanto qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay.

Maamulka Trump ayaa jeesjees badan kala kulmay khaldaadka tirada badan ee dhanka naxwaha ah ee qaraallada ka soo baxa laga helo, khaladaadka ka dhacay waxaa ka mid ah inuu si khaldan u qoray magaca madaxweynihii ka horreeyay Barack Obama “Barrack”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close