WararkaWaxbarashada

Sababaha uu u Baaqaday Su’aal Oraaheedkii Wasiirka Waxbarashada XFS oo Golaha Shacabka Looga Yeeray

Maallinimadii shalay ayaa Golaha Shacabka ee Baarlaanka Federaalka Soomaaliya waxey u yeereen Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan si ay ula yeeshaan su’aalo  oraaheed ku aaddan Habsami u socoshada Waxbarashada, laakiin waxaa baajiyey guddiga Arrimaha Bushada ee Golaha oo sheegay in baaritaan u harsan yahay.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo golaha hortimid ayaa u sheegtay in baaritaankii ay wadeen ay weli wax ka dhiman yihiin sidaa darteed ay tahay in xubnaha baarlaanku ay siiyaan waqti ay arrimaha si mugleh ugu soo baaraan.

“Guddigeenna Arrimaha-bulshada maaddaama aan u yeernay wasiirka, ajandahana lagu soo daray, waa wax sax ah annagaagan u yeernay, laakiin waxaa soo baxday xogo dheeraad ah iyo arrimo kaleeto oo muhiim ah oo u baahan inaan dib ugu laabanno, investigation(baaritaanno) farabadanna aan sameynno, arrimaha ku saabsan iskuulka oo aadna xasaasi inoogu ahayd, oo aan kala kulannay wasiirka, waqti dheeraad ah oo intaa ka badanna aan u baahan nahay oo ah xogo farabadan iyo wax aad muhiim u ah, wasiirkana meesha lagu horkeeni karo, Annaga naftarkeenana aan ku qanacsan nahay” Ayey tiri xildhibaan Aamino.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaa jirta arrintaan oo wasaaraddana aan ka codsaneynaa intii ay howshaasi noo socoto oo aan baareynno in arrintan iskuulka aysan meesheeda dhaafin, iskuulkuna uu shaqadiisii caadiga ahaa sii wato, guddoonka iyo baarlamaankana waxaan uga cudaddaaraneynaa ajandihii inaan dib ula laabanno ayaan rabno, si aan u raadinno xog dheeraad ah iyo howl kaleeto oo noogu dhiman darteed, wasiirkana keentinaanka aan meesha keennay iyo waqtiga aan ka soo luminnay waa inuu noogu cudaddaaro.”

Si kastaba, waxaa Baraha-bulshada dhex wareegaysay warqad la sheegay iney ka soo baxday maamulka iskuulka 20 December oo tilmaameysa in iskuulka lagu kor iibsaday oo ay ruqsaddaa bixisay Wasaaradda Waxbarashada, waana iskuulka ay xildhibaanku ay soo hadalqaadday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close