WacyigelinWararkaWaxbarashada

Xallinta Mashaakilka Shaqada Waxaa La Raadiyaa Xalka Ugu Maqluusan ee Lama Eego Shuruucda Dagsan

 

Waxaan idiin tarjunnay maqaal ay qortay Professor Francesca Gino oo ka tirsan Jaamacadda Harvard gaar ahaan kulliyadda Business-ka, maqaalkan gundhiggiisu waxa uu yahay, marka murannada xooggan ee dhanka shaqaalaha ay ka dhacaan gudaha shirkadda, xalka hal-abuurka leh ee ugu wanaagsan ee la qaato.

Maqaalkeeda waxey ku bilowday hotel Taliyaaniga ku yaalla oo la yiraahdo (Giuseppe Palmieri) sharciyada hotelka waxaa ka mid ah in aan biitsaha lagu iibin. caruur qeyb ka mid ah hotelka la soo dejiyay ayaa codsatay in loo keeno (Pizza) biitsaha oo ay aad u xiisaneyn, maamulihii hotelka ayaa arrintii dalabka loo keenay si uu xal ugu helo, shaqadii isagaa la wareegay, waxa uu u dalbay biitsaha ugu wanaagsan ee dalka taliyaaniga lagu iibiyo, isaga ayaana gacantiisa ugu eegay qoyskii dalbaday. Iyadoo ay jirto qof kasta oo macmiil ah oo Hotelka soo dagaa inuu ogyahay inaan biitsa lagu iibin, ayaa hadana waxa qanuunkii u jebiyay si uu u raalligeliyo macmiilkiisa, tusaale wanaagsanna uu ugu noqdo shaqaalihiisa.

Cidina ma jecla iney dhibaato kala kulanto dhanka shaqada. Dhammaan waxaan la kulannaa saaxiibbo tallaabooyin aan qorsheysanno ku ciyaara iyagoo ula kac ay ka tahay amaba aan sameyneyn iney ku dhibaateeyaan ee ciyaar un ay ka tahay, arrimahaas waxaa ka dhasha doodo iyo waqti inuu ku lumo xallinta murannadaas: sida dadka doqomada ah oo kale iyo kuwa faanka badan oo inta badan in la raalligeliyo ama la sasabo ay adag tahay, iyagoo sabab cad oo ay ku dhaggan yihiin aaney jirin, dadku qawaantiinta ayey jebiyaan sabab la’aan, dadka kalena xaaladda ayey sii adkeeyaan, laakiin waxaa jira dadka qaanuunka oo la jebiyo u bedela arrin faa’iido leh.

Caadi ahaan dadka shaqadooda caqli ahaan u fakaraa, waa ay taxadaraan “Maxaa dhici kara..?” “Maxaa iiga imaankara haddii…?” waa su’aalo dood kasta oo ay galayaan ay isasoo hordhigaan. Laakiin qofka madaxa adag sidaa si ka duwan ayuu u fakaraa, tusaale; duule sare Sully waxa uu pilot ka ahaa diyaarad ay leedahay shirkadda USA airways, diyaaraddu waxey dhexda u gashay shimbiro safar ahaa oo hawada ku jira, waxaa istaagay matoorikii oo shimbiraha qaar ay ku dhaceen; markii ay xoogaa hawada ku jirtay iyadoo ka duushay gagada diyaaradaha (La Guardia) ee New York Jaanayo 2009, Sully waxa uu waday rakaab tiradoodu ay gaareyso 155 qof oo diyaaradda saarnaa, waxa uu haystay waqti kooban oo uu ku raadsado meel uu ku dago, magaalo dhismayaal dhaadheer ay ku badan yihiin.

Inta badan pilot-yada waxey qaadan lahaayeen go’aan cad oo ah iney raadiyaan airport-ka ugu dhow iyadoo natiijooyin burburleh ay go’aannadaa ka dhashaan. Waxa uu qaatay go’aan ah wixii lagama maarmaanka ahaa, laakiin waxa uu qaatay waqti uu ku fakaro, waxa uu go’aansaday inuu diyaaradda ku dejiyo webiga (Hudson), dadkii oo dhan ayuu karay inuu badbaadiyo.

Sidaas oo kale, dadka madaxa adag ee gudaha shaqada waxey abuuraan doodo badan. Laakiin waxa dhici karta isqabashooyinka qaar iney keenaan faa’iidin lama filaan ah iyo is-faham, maxaa yeelay; dadka waxey ka dhisagyaa iney ka baxaa khaanadda “Waxaa waajib ah ” oo ay u gudbaan “Sidee xeego xeego ku noqotaa ilkana u nabadgalaan”.

Cilmi-baarisyadu waxey sheegayaan marka aan doodo dhanka shaqada waajahno, waxa xalka ugu wanaagsan la gaaraa marka aan dooneynayo iney xal si wanaagsan loo gaaro. Markii xoogaa khalkhal ah uu jiro waxaan eegaynaa inaan abuurno xal hal-abuur leh iyo inaan raadinno bedelka ugu habboon, arrintaas oo keenaysa aragti cusub. Inaggoo arrintaa isha ku haynayna. Shirkadda (Ariel Investments) oo ah shirkad maaliyadeed oo xarunteedu tahay Chicago, ayaa shirarkeeda waxey u soo kiraysataa Qareenka “Shaydaanka!”, waxa uu kiciyaa mushkilado aan jirin, shirkaddu wadadaa ay raacday waxey kaga bedbaadday dhibaatadii maaliyadeed ee 2008. Sidaas oo kale waxey keentay iney si wanaagsan uga fakaraan saamiga ay iibinayaan: qofka suuqa saamiga iyo dhaqdhaaqiisa la socdaa isaga ayaa iibsada ama qof kale ayuu kula taliyaa inuu wax iibsado.

Qoraagu waxey leedahay cilmi-baaristayda gaarka ah waxaan ku ogaaday marka qofka laga codsado inuu xaqiijiyo labo hadaf oo lid isku ah iney keenaa fikrado aad u waxtar badan.

Marka ay shaqaaluhu arkaan in hoggaamiyahoodu uu qabanaayo shaqooyin lama filaan ah waxaa hubaal ah iney ku dayanayaaan.

Maqaaal ay qortay: Psychologist and Harvard Business School Professor Francesca Gino oo lagu daabacay “Harvard Business Review”.

Maandeeq FM

Related Articles

Close