arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Aqalka Fatawada Masar oo Soo Afmeeray Dood Ka Dhalatay Khalad Ku Jira Maalintii Koowaad ee Soonka

Aqalka Fatwda Masar ayaa Talaadadii May 29, ku dhawaaqay in uu sax ahaa Soonka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee ka bilowday taariikhda May 17, waxey meesha ka saareen inuu khalad ka dhacay maalintii Ramadaan laga bilaabay.

Bayaan ay ka fufaafiyeen bartooda Facebook ayey ku sheegeen in Aqalka Fatwada uu soo afmeeray dood weyn oo bilaabatay Saddex cisho ka hor kadib markii ay dadka qaar ka shakiyeen in Soonka maalintii saxda ahayd aan laga bilaabin, waxey dadku si aad ah u hadal-hayeen habeenkii 13 Ramadaan oo uu dayaxu u muuqday 14aad, arrintaas oo la macno ah in Soonka sanadkan maalin la dhaafay.

Amjad Saamix Haybe ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray; “Waa sawirka dayaxa oo u muuqda 14aad ama 15aad!!!, waxey iitahay habeenkii 13aad ee Ramadaan!. Arrintaasi waxey ka dhigan tahay in Soonka aan ka dib dhacney Labo maalmood ama ugu yaraan maalin.”

Daar al-iftaaga Masar ayaa sheegtay in dhammaan waddooyinkii saxda ahaa ee ugu macquulsanaa ay raaceen, xilligii lagu jiray baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, iyo in la adeegsaday isha caadiga ah ama la isticmaalo aaldaha fogaan aragga loogu talagalay iyo kuwa kale ee xidigaha lagu sahamiyo.

Waxey carrabka ku adkaysay “Daar al-iftaa” in Soonka sanadkan maalintii saxda ahaa uu ka bilowday, dhanka sharciga hubaalka ayaa ka horreeysa malada; xisaabta saxda ah suuraggal maaha iney khilaafto aragtida; waana sidaa ay go’aamineen “Majmac al-Buxuuth al-Islaamiyah” sandkii 1964-tii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close