WararkaWaxbarashada

Caalimkii Chemistry-ga ee Reer Denmark “Janes Christian Skou” oo Geeriyooday

Waxaa geeriyooday maalinnimadii Isniintii May 28, Caalimkii Chemistry-ga iyo Dhakhtar-ka caanka ah isku ahaa ee reer Denmark Janes Christian Skou oo haystay abaalmarinta Nobel Prize iyadoo da’diisu ay sii caga-cageynayso 99-sano.

Caalimkan ayaa abaalmarinta Nobel Prize Chemistry-ga ku guuleystay sanadkii 1997, waxeyna ahayd 40-sano kadib markii uu daahrogay “Bamgareynta Sodium-potassium” ee ka dhacda gudaha ugunyada jirka oo dhan.

Skou guulaha uu dhanka cilmiga ka soo hooyay lacag laguma bedelan karo, cilmi-baarista gudaha dalkiisa iyo tan caalamiga ah waxyaabo badan ayuu ku soo kordhiyay, gaar ahaan dhanka caafimaadka “Biomedicine“, intii uu ka shaqeynayay Jaamacadda “Aarhus” ee gudaha Denmark.

Dhakhtarkan ayaa faafiyay maqaallo cilmiyeedkiisii ugu dambeeyay ee sandkii 2015, buugaagtiisa gaarka ah ayaa matxaf loo bedeli doonaan dalka Denmark, waxaana arrin uu ku taami jiray caalimku oo doonistiisa ahayd.

Maandeeq FM    

Show More

Related Articles

Close