WararkaWaxbarashada

Dookhaaga Muyuusikadu Muxuu Shakhsiyadaada Ka Leeyahay?

Daraasad cusub oo ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa lagu ogaaday in dookhda Music ay dadku jecelyihiin laga ogaado furayaasha aasaasiga ah ee shakhsiyadooda.

Daraasaddan ayaa sidoo kale daaha-ka-rogtay iney suuraggal tahay in la odoroso shakhsiyadda qofka si wanaagsan iyadoo la eegayo dookhaaga dhanka music-ga.

Cilmi-baaryaashan ayaa waxey sameeyay ra’yi uruurin dhanka Internet-ka ah oo ay ka qaybgaleen 20-kun oo qof, dadkan ayaa loo soo bandhigay 25 nooc oo music kala duwan ah oo khubaro ay soo xushay, si ay u kala xushaan, dookhoodana loo ogaado.

Khubaradu waxey eegeen sifooyinka ay wadaagaan dadka isku dookha ah ee music gaar ah wada xiiseeya. Waxaa u soo baxday in  dadka jecel music aaladaha asalka ah lagu tumo ee loo isticmaalo “acoustic music” ee aan jecelayn aalahadaha electaroonigga ah ee casriga ah, ay yihiin dad u janjeera hadal badanida ayna yihiin kuwo firfircoon, halka kuwa music Opera jecel ay yihiin dad hal-abuurku ku badan yahay.

Daraasaddan ayaa sidoo kale daaha-ka-rogtay in dadka furfuran ay jecelyihiin music casriga ah ee horumarsan, waa dad jecel iney wax cusub kororsadaan, halka dadka furfuran ay jecelyihiin music caadiga ah ee aan fahamkiisu adkayn.

Daraasaddan oo lagu faafiyay joornaalka “Psychological Science” ayaa cilmi-baarayaashu waxey leeyihiin: “Natiijada daraasaddani waxey muujineysaa in music uu ka mid yahay waxyaabaha qofka shakhsiyaddiisa lagu ogaado, macluumaad faa’iido leh ayaa laga korosadaa oo ku aaddan sifooyinka nafsiga ah ee shakhsiyaadka.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close