arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Markii uu Gaaray 114-sano Ayuu Sheegay In La Gaaray Waqtigii uu Sigaar Cabsita Joojin Lahaa!

Sanadkii uu dhashay Fredie Blom 1904, shirkadda Rolls-Royce waxey soo saartay gaarigeedii ugu horreeyay, walaalaha Wright waxey sameeyeen diyaaradoodii labaad.

Waxaa dhashay qoraaga caanka ah ee buugaagta caruurta ee reer Mareykan Theodor Seuss Geisel, magaalada New York waxaa laga hirgaliyay nidaamka tareenka dhulka hoostiisa mara. waa xilligii uu bilaabay Sayid Maxamed gabayadisii caanka ahaa ee taariikhda galay.

Sida ay qortay jariidada Washington Post Talaadadii May 29, 2018, Blom sanadkan waxa uu u dabaaldagay sanad guuradisii 114-aad, gurigiisa oo ku yaalla Delft oo tuulo yar oo ku taalla duleedka Cape Town, South Africa, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay shakhsiga ugu da’da weyn dadka dunida ku nool.

BBC News ayuu uga warramay sirta cimrigiisa, waxa uu yiri: “Waxa jira hal-shay oo kaliya oo aan aaminsan nahay waa Rabbiga samada ku sugan, isagaa awood oo dhan leh, anigu waxba ma haysto, waqti kasta ayaan dhiman karaa, isaga ayaase cimrigan isiiyay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay waxaan dareemayaa inaan aad u caafimaad qabo, wadnahaygu waa mid awood badan, labadayda lugood ayaa u muuqda kuwo isdhiibay oo uma socon karo sidii aan u bartay.”

Waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ka go’o balwadda kaliya ee uu leeyahay oo ah cabsita sigaarka.

Weli laguma qorin buugga Guinness World Records oo sanadkan waxaa lagu qoray oday Japanese ah oo la yiraahdo Masazo Nonaka oo 112 jir ah.

Mas’uuliyiin Guinness World Records u hadlashay ayaa sheegay in haddii Blom uu doonayo in buugga lagu qoro loo baahan yahay caddeymo farabadan isla markaana ay jiraan dadbadan oo la soo xiriira iyagoo sheeganaya iney iyagu ugu da’weyn yihiin dunida.

Si kastaba, Haweenaydii la oranjiray Jeanne Louise Calment ayaa Guinness record ka diiwaangashan iney tahay qofkii ugu da’daweynaa Adduunka waxey ku geeriyootay 122-sano, sanadkii 1997.

Maandeeq FM

Related Articles

Close