WararkaWaxbarashada

Waa Imisa Tirada Ereyada Lagama Maarmaanka Ah Si Aad Ugu Wanaagsanaato Luqad Kasta?

Waa su’aal adag oo u baahan in la koristaago, barashada luqad kasta waxaa lagama maarmaan u ah erayada, si aad luqad kasta aad ugu wanaagsanaato waxaa lagaaga baahan yaahy inaad erayo badan ka taqaanno. Eraydu waa shayga la adeegsado isticmaalka tooska ah ee luqadda ku hadalkeeda, qoraalkeeda iyo dhageysigana furaha u ah.

Intey gaaraan tirada erayada ay luqadi ka sameysanto?

Luqadaha waxey ka kooban yihiin kalmado iyo erayo boqol kun ka badan, tusaale ahaan; Luqadda English-ka waxey ka kooban tahay 600,000 oo kalmadood, Luqadda Fransiiska 150,000 oo kalmadood, marka aan fiirinno qaamuusyadooda ugu muhiimsan. Waxaase dhici karta in tirada kalmadaha ay luqad ka sameysanto ay gaarayaan Toban milyan sida luqadda Carabiga oo kale oo tirada kalmadaha uu ka kooban yahay waxey gaarayaan 12,302,912 erey, sida lagu sheegay tirakoob soo baxay maalinta caalamig ah ee luqaddaasi, tirade intaa wey ka sii badan kartaa marka lagu daro erayda cusub ee la jaanqaadaya horumarka teknolojiyada.

Imisa Eray ayaa Lagama Maarmaan ah barashada Luqad Cusub?

Su’aashan si aan uga jawaabno, tirada ereyada aad baran karto waxaa u kala qaadeynaa 5 qaybood:

  1. Bilow Shaqo Cusub: Qofkaasi waxa uu u baahan yahay inuu barto 250 ilaa 500 oo eray oo qura, inta badan waxaa lagu baran karaa isbuuca koowaad ama laba isbuuc, qofku waxa uu xifdinayaa ereyada aasaasiga ah; sida maalmaha Isbuuca, tirooyinka, bilaha, magacyada khudaarta, weedhaha qaar sida subax wanaagsan..iwm, inta badan luqadaha caalamka inaad ka barato 500 oo erey ayaa kaaga filan marka aad booqato waddanka looga hadlo si nolol maalmeedkaaga caadiga ah aad u maareyso, su’aalaha lagu weydiinayana aad uga jawaabto.
  2. Ku Hadalka Luqad: Waxaad u baahan tahay inaan ka taqaanno 1000 ilaa 3000 oo erey, inaad 1000 eray taqaanno waa meesha ugu hoosaysa ee aad ka bilaabi karto wadasheekaysi kasta, doodaha qaarkoodna aad uga qeybgeli karto, faahfaahin ballaaranna naftaada aad uga bixin karto, suuqa cid garab ku siisa uma baahnid, inaad bank lacag kala soo baxdo adigaa ku filan.
  3. Luqad horumarsan: 4000 oo erey ilaa 10,000 oo erey ku dhawaad ayaa laga raga rabaa qofka doonaya inuu luqad horumarsan uu sameeyo, marka aad heerkaa gaarto, doodo kasta oo dhanka luqaddaa ku saabsan si raaxo leh oo aaney gadaal ka baqasho ku jirin ayaad u adeegsan kartaa, ereyadana sida aad doonto ee ku habboon aad u kala xulan karto.
  4. Qofka Xariifka ah: waa qof kasta oo luqadda uu yaqanno ereyadeedu ay ka badan tahay 10,000, waxaad markaa u dhow dahay qofkii u dhashay, lahjad kasta ayaad fahmi kartaa oo luqaddaa xiriir la leh.

5. Qofkii u dhashay: waa laga bilaabo 10,000 ilaa 30,000 iyo wixii ka sii badan. Arrintan luqaduhu wey ku kala duwan yihiin, tiradani waxey muhiim u tahay luqadda English-ka, ereyadu waxey ku xiran yihiin kolba meesha aad joogto, qofka luqadda u dhashay si wanaagsan oo kalifaadi aaney ku jirin ayuu luqaddiisa ugu hadlaa, lahjadaha la xiriia si fudud ayuu u fahmaa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close