WararkaWaxbarashada

9 Mihnadood oo Dhiirrigeliya Khiyaanada Guurka

Waxaa jira heerar kala duwan oo khiyaano ah oo ay ku dhacaan dadka lamaanaha isqaba, sababo kala duwan ha ku kallifaane, waxaa la tilmaamayaa iney jiraan caddeymo muujinaya in dadka caqliga badan ay yihiin kuwo u janjeera dhanka khiyaamada guurka.

Xogo sahmin ah oo uu sameeyay website-ka la isku ballansado ee la yiraahdo “Ashley Madison”, kaas oo dadka isqaba u fududeeya xalka mushkiladahooda, ayaa lagu ogaaday in dadka shaqooyin goonni ah ka shaqeeyaa ay yihii kuwo u janjeera iney ka baxaan xaydaanba daacadnimada guurka.

Ra’yi uruurinta laga qaaday ayaa waxaa ka qaybgalay 1074 xubin oo website-ka xiriir la leh, waxaa lagu ogaaday mihnadaha ugu badan ee ay ka shaqeeyaan lamaanaha qirtay iney gogoldhaafka sameeyeen.

9 Mihnadood ee Lamaanaha Khiyaano u horseeda:

1- Fanka iyo madadaalada: 4% dumarka mihnaddaa ka shaqeeya waxey khiyaameen lamaanahooda, halka ragga mihnaadda ka shaqeeya ee gogoldhaafka sameeyay ay gaareen 3%.

2- Sharciga: Dumarka 4%, ragga mihnadaa ka shaqeeya iyaguna ay la mid yihiin.

3- Suuqgeynta: Dumarka waxey gaareen 4%, halka raggu ay kaga sarreeyaan oo ay yihiin 6%, waa dadka gogoldhaafka sameeya.

4- Ganasiga iyo Heshiisyada: Dumarka mihnaddan ka shaqeeya ee gogoldhaafka sameeyaa waxey gaareen 4%, halka raggu ay aad ugu badan waxey gaarayaan ilaa 29%.

5-Bagaashka: dumarka bagaashka ka shaqeeya ee lamaanahooda khiyaama waxay gaareen 9%, halka ragga ay gaareen 8%.

6- Arrimaha Bushada: dumarka gogoldhaafka sameeya ee mihnaddaa ka shaqeeyaa waxey gaarayaan 9%, halka ragga ay mihnaddan aad ugu hooseeyaan khiyaamada lamaanaha waxey gaarayaan 2%.

7- Maaliyadda: mihnaddan dumarka khiyaama lamaanahooda waxey noqdeen 9%m halka raggya ay ka yara hooseeyaan oo ay gaarayaan 8%.

8- Waxbarashada: dumarka macallimiinta ah waxey noqdeen mihnadda labaad ee ay ugu gogoldhaafka badan yihiin waxey gaareen ilaa 12%, halka raggu ay aad uga hooseeyaan oo ay gaarayaan 4%.

9-Caafimaadka: mihnaddan ayaa ugu sarreysa dhanka dumarka, waxaa la ogaadya in 23% dumarka caafimaadka ka shaqeeyaa ay gogoldhaafka sameeyaan, halka raggu ay yihiin 5%.

FG: tirakoobyadan waxaa laga sameeyay dalalka reer Galbeedka wax waddan kasta lagu qiyaasi karo maaha, gaar ahaan wadamada Islaamka.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close