WararkaWaxbarashada

Kuleylaha oo Saameyn Taban Ku Yeesha Ardayda Xilliga Gudashada Waajibaadka Imtixaanka -Daraasad Cusub

Daraasad lagu sameeyay Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in cimillada kulul ay si taban u saameymeyso ardayda xilliga gudashada waajibaadka imtixaanaadka.

Sida ay qortay jariidada The Telegraph ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, daraasaddan ayaa lagu ogaaday xirir ka dhaxeeya cimillada kulul iyo darajada hoosaysa ee dhanka imtixaanka, kor-u-kac kasta oo gaarsiisan 0.550C ee ka sarreya 210C waxa uu ardaygu khasaariyaa 1% dhibcaha guud ee imtixaanka.

Daraasaddan ayaa ku tiirsaneyd falanqeyn lagu sameeyay dhibcaha ay ardaydu imtixaanka ka keenaan oo la uruurinayay muddo 13-sano ah, natiijada daraasaddan ka soo baxday waxey noqotay in iskuulaadka la faro iney mukayf qaboojiye ah isticmaalaan xilli kuleylaha ay ardaydu imtixaanaadka u fadhiyaan.

Ardayda wax ku barata gobollada Waqooyi ee Mareyknaka ee qabowgu ku badan yahay ayaa la arkay iney ka natiijo fiican yihiin kuwa gobollada koonfureed ee kuleylka wax ku barata.

Professor Joshua Goodman oo ka tirsan Kulliyadda Kennedy Harvard ayaa yiri, ardaydu waxey noqonayaan kuwo awooddu yar tahay marka uu kuleyl badani jiro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close