WararkaWaxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Faransiiska oo Ka Digtay In Dhar Diimeed Loosoo Qaato Iskuulaadkeeda

Dalka Faransiiska ayaa laga mamnuucay xirashada dharka diinta ardayga tilmaamaya, iyadoo lagu doodayo in iskuulaadku ay yihiin goob waxbarasho oo qura.

Sida lagu qoray website-ka kanaalka 7aad  “inn.co.il” gudaha dalka Israel ka soo baxa saacadihii hore ee saaka oo Khamiis ah May 31, Wasaaradda Waxbarashada Faransiiska ayaa ka digtay in dhar diimeed loosoo qaato iskuulaadka, gaar ahaan koofida dadka Yahuudda ah ay xirtaan ee tusineysa iney Yahuud yihiin.

Qaar ka mid ah Yahuudda Faransiiska ku nool ayaa sheegay iney ka niyad-jabsan yihiin go’aanka cusub maadama uu ka soo horjeedo dhaqankooda diimeed, iyadoo dalka Faransiiskana la doonayo in diinta iyo dowladda la kala saaro.

Go’aankana ayaa Wasaaraddu ay u qaadatay si loo ilaaliyo cadaaladda ardayda in si siman loola dhaqmo gudah iskuulaadka, maadaama muddo dheer lala dagaalamayay xijaabka ay gabadhaha muslimiintu ay xirtaan.

Si kastaba, Dalka Faransiiska ayaa waxa uu raacaa cilmaaniyad loo yaqaanno “laïcité”, waxaa dalkaa laga maamnuucay astaamaha diimeed sida silsiladda saliibka ah, koofiyadda Yahuudda iyo xijaabka ay xirtaan gabdhaha muslimaadka ah iskuulaadka dowladda, laga soo bilaabo sanadkii 2004.

Maandeeq FM

Related Articles

Close