WararkaWaxbarashada

Denmark oo Niqaabka Laga Mamnuucay

Denmark ayaa ku biirtay dowladaha Yurub ee maamnuucay Niqaabka wejiga lagu daboolo ee dumarka Muslimiintu ay xirtaan.

Hindise sharciyeed uu soo gudbiyay xisbiga Midgta-dhexe ee xukuma dalkaas ayaa Golaha Sharci dejinta Denmark oo Khamiistii u codeeyay ayaa ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh oo gaareya 75 cod, waxaa diidday 30 mudane, waxaana ka aamusay 74 kale.

Xukuumadda ayaa sheegtay in Qaanuunku aanuu si gaar ah u abbaareyn diin goonni ah, isla markaana aanuu diideyn xijaabka, cimaamadda iyo koofiyadda Yahuudda dhaqanka u ah.

Qaanuunkan ayaa magaciisu yahay “Xanibaadda Niqaabka”, waxaana uu abbaarayaa sida badan indhashareerka ay xirtaan dumarka muslimiinta ah qaarkood.

Dumarka indhashareerka wata ayaa waxaa loo aqoonsan doonaan kuwo sharciga jabinaya, waxa uu dhaqangalay August 1, haweenka lagu qabto waxaa lagu ganaaxayaa 156 dolar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close