WacyigelinWararkaWaxbarashada

3 Xiriir oo Lagama Maarmaan U ah La Jaanqaadka Nolosha Casriga ah

Casirgan digital-ka ah ee aan ku jirto saddex nooc oo shabakado ah oo aad u faa’iido badan ayaad u baahan tahay si aad ula jaanqaaddo horumarka teknolojiyada, gaar ahaan marka aad tahay maamule shirkad weyn oo faa’iido doon ah.

Awoodaha ugu waaweyn ee dunida waxey dib u eegis ku hayaan qoraalka aqoonta ee dunida shaqada iyo nolosha guriga. Balaayiin qof ayaa ku kulanta dhanka Internet-ka, hadaba, si aan uga gudubno caqabadaha dhanka teknolojiyada ka dhasha, waxaa loo baahan yahay inaan sameysanno nooc cusub oo shabakado ah.

Lynda Gratton Professor ka tirsan Jaamacadda London Business School, ahna aasaasaha shirkadda “Hot Sport Movement”, ayaa waxey leedahay: “Intii aan ku guda jiray shaqadeyda iyo mu’asasaadka, waxaan bartay saddex nooc oo xiriir ah oo qofka lagama maarmaan u ah, kuwaas oo ka garab siinya in uu la jaanqaado dunida casriga ah.”

1- Koox aad kuugu dhow- Waxaa ku tiirsanaaneysa marka aad u baahan tahay gacan qabad iyo talo. Waa koox aad isku mihnad tihii si wanaagsanna aad isku fahamsan tihiin, markasta oo kooxdaadu xooggan tahay qiimaha dhanka shaqada aad ka keenayso waa mid xooggan.

2- Koox xiriir adag uu idinka dhexeeyo- Waa shakhsiyaad xiriir adag uu idinka dhexeeyo oo aad is taqaannaan, waxaad ka heshaa firfircooni xilliga aad daallan tahay, inaad meelo kale ka raadiso uma baahan oo agtaada ayey joogaan, waxaase lagama maarmaan ah inaan xiriirkooda xoojinno.

3- Kooxda fikirka sare: Waa koox aad wax ka kororsaneyso aqoon cusubna kugu soo kordhinaya.

Kooxdan saddexaad waa koox kaa aragti duwan, laakiin waxaad ka helaysaa fikrado cusub iyo aqoon dheeraad ah.

Xigasho: Harvard Business Review

 

Related Articles

Close