arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

4 Calaamadood oo Lagu Garto Qaraha Wanaagsan… In La Garaacaa Kama Mid Aha

Dareenka wanaagsan ma jiro in Qare(xabxab) aad soo iibsatay uu kuu noqdo mid aad u wanaagsan, halka marka uu kugu xamaado ay kuu tahay niyad jab iyo khasaare, gaar ahaan xilliga Soonka oo helitaankiisu ay yara adag tahay, maadama dad badani ay iibsanayaan.

Doorashada Qare wanaagsan uma fududa sida khudaarta kale ee Mooska iyo cambaha, gacanta oo aad ku taabato kuma ogaan kartid inuu yahay Qare wanaagsan ama uu yahay mid aan wanaagsaneyn.

Katy Green oo ah khabiir dhanka suuqa ah ayaa website-ka “SELF” sheegtay, iney jiraan calaamado fudud oo kugu hagaya sidii aad ku xulan lahayd Qaraha wanaagsan.

Calaamadaha Laga Eego Qaraha Wanaagsan

1- Iska illow wax kasta oo ku aaddan in Qaraha wanaagsan garaaca lagu garto

Dad badan ayaa aaminsan in qaraha gujinta lagu garto, arrintaasi sax maaha ee waxaa jira, taa bedelkeeda aragtida oo in lagu ogaan karo.

2- Qarahu bakhaarka kuma bislaado

Qaraha marka beerta laga soo gooyo meel kale kuma bislaado sidiisa ayuunbuu ahaadaa, isbedelka cimilladuna ma saameyso mar haddii beerta laga soo gooyo,  arrintaas oo ka dhigan in haddii la yara daayo aanuu sii bislaaneyn, sida mooska iyo cambaha oo kale.

3- Qaraha xun horey ayaad ka garan kartaa

Haddii Qaruhu uu yahay mid aan weli bislaan ama uu aad u bislaaday waxaa lagu garan karaa midabkiisa, xilliga Qaraha ugu fiican la helo waa marka xilligiisa la gaaro ee sida wanaagsan uu u soo go’o, waxaad ku arkaysaa baro farabadan, sanadka xilli kasta waad iibsan kartaa, laakiin waxaa la hubaa sida kan xilligiisa soo go’ay oo kale inaanuu u macaaneyn.

4- Qaraha Wanaagsan waxaa lagu gartaa qolofkiisa oo dhalaal badan iyo baro dahabi ah oo uu yeesho

Wadada ugu wanaagsan ee Qaraha ugu habboon lagu doorto waa inaad raadiso qare baro waaweyn oo dahabi ah leh, ama barahiisu ay jaalle yihiin, ama xariiqmo midabeysan dusha sare ku leh. Barahaas waxaa loo yaqaanna barta dhulka waa halkii uu ciidda kaga jiifo, marka uu midabka dahabiga ah u ekaado, waxey taasi ka dhigan tahay inuu si wanaagsan u bislaaday.

Qaraha wanaagsan qolof heer sare ah ayuu leeyahay, waxaad dareemaysaa culeyskiisa, ka fogow Qaraha xididka bunniga ah yeesha waa calaamad muujineysa duqnimo inuu si xad dhaaf ah u bislaaday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close