CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Bishaaro u Soo Hoyatay Bukaanka Qaba Cudurka Kansarka (Daahrog Cusub)

Saynisyahanno Mareykan ah ayaa waxey gaareen daahrog aan horey noociisa oo loo sameyn, kaas oo ka qaybqaadanaya in la daaweeyo cudurka Kansarka xilli hore.

Sida ay qortay jariidada The Guardian, daahroggan ayaa ah baaris dhanka dhiigga ah oo lagu ogaanayo cudurka calaamadihiisa hordhaca ah ee tilmaamaya inuu qofka soo hayo, waxa uu soo saarayaa 10 nooc oo kansar ah sanooyin ka hor inta aanuu bukaanka soo ridan xilli ay daaweyntiisu sahlan tahay.

Sida ay sheegayaan Saynisyahannadan Mareykanka, baaritaanka ayaa ah mid sahlan, waxaana lagu ogaanaya calaamado hordhac ah marka uu cudurka jirka uu ku soo jiro, noocyada kansarka ah ee lagu ogaan karo waxaa ka mid ah kansarka naasaha, kan kaadihaysta, xiidmaha iyo weliba kan sambabaha ku dhaca.

Dr Eric Klein oo ah shakhsigii daraasaddan fikirkeeda iska lahaa ayaa yiri; “Waxaa suuraggal ah in baaritaankani uu noqdo mid muqaddas ah oo laga sameeyay kansarka ee ka soo baxa xarunta caafimaad ee California[goobtii cilmibaarista lagu fuliyay], waxaa loo kaanshan doonaa in kansarka ay daawadiisu adag tahay la ogaado xilli hore, markaas oo ay sahlanaaneyso daaweyntiisa, waxaan rajeynaynaa in tijaabadani ay badbaadiso nolosha dad aad u tiro badan.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Inta badan kansarka xilli dambe oo uu qofka dishooday ayaa la ogaadaa, laakiin cilmi-baaristani waxey fursad siineysaa in kansarka la ogaado bilo iyo sanooyin ka hore inta aan caalamadihii lagu yaqaanney aaney qofka ka soo muuqan.”

Daraasaddan ayaa waxaa ka qaybqaatay koox cilmi-baarayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda Stanford, natiijadeeda waxaa lagu soo bandhigay shirkii sanad laha ahaa ee Jamciyadda dhakhaatiirta Oncologists-ka ah ee Mareykanka oo ka dhacay Chicago.

Daraasaddan ayaa lagu sameeyay 1400- qof, shaybaarkii lagu sameeyay waxaa lagu guuleystay 90%; waxaa cudurka laga waayey 561 qof, waxaana cudurka laga daaweeyay 845 qof oo cudurku ku cusub yahay.

Si kastaba, cudurka kansarka ayaa waxaa loo yaqaannaa cudurka casriga, sanad walba waxaa sababtiisa u dhinta kumanaan qof oo daafaha kala duwan ee dunida ku nool.

Maandeeq FM

Related Articles

Close