WararkaWaxbarashada

Daahrogihii “ATARI” oo Geeriyooday

Waxaa geeriyooday Engineerkii electronic ee caanka ahaa iyo daahrogihii ciyaarta Video Game-ka ah ee la yiraahdo Atari, oo la oranjiray Ted Dabney iyadoo da’diisu ay sii cagacageyneyso 81-jir.

In muddo ah ayuu la tacaalayay cudurka “terminal illness”, iyadoo lagu dabiibayay gurigiisa oo ku yaalla California, waxa uu geeriyooday May 26, 2018.

Dabney ayaa loo aqoonsan yahay inuu yahay qof kacdoon dhab ah ka sameeyay dhanka Video Game-ka, waa qofkii ugu horreeyay ee sameeya Video Game suuqa la soo galiyo todobaatameeyadii Qarnigii tagay, Atari waxey gashay guri kasta oo Mareykanka ah, dhalinyarada dunida oo dhanna aad ayey u jeclaayeen.

Engineerkan ayaa waxa uu ku caan baxay cabqariyad sida uu u ikhtiraacay Atari oo aad loogu ammaaney, waxa uu ku naqshadeeyay qolkiisa jiifka, isagoo isticmaalaya maaddooyin electronic ah oo aan kharash badani ku baxeyn.

Waxa uu taariikhda ku galay inuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Video Game-ka suuqa soo galaya, waxeyna sidaasi dhacday sanadkii 1971.

Waxaa xusid mudan; in model-kii koowaad ee Video Game-ka aanuu helin soo dhaweyn fiican oo dhanka suuqa ah, laakiin waxaa guuleystay Game-kiisii labaad ee “Pong”, waxaa Game-kaa la geeyay inta badan goobaha video Game-ka lagu ciyaaro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close