WararkaWaxbarashada

Heshiis Iskaashi Akademiyadeed oo Ay Kala Saxiixdeen Labada Jaamacadood ee SIMAD iyo SIU

Labada Jaamacadood ee SIMAD iyo SIU ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi Akademiyadeed iyo isdhaafsiga ardada ah, May 31, 2018.

Axmed Cabdi Hadi Cabdullaahi oo ah Madaxa Xiriirka Guud (Public Relations) ee Jaamacadda SIU oo Maandeeq FM la hadalay ayaa sheegay in iskaashigani uu taabanayo dhinacyo farabadan oo waxtar u leh Labada Jaamacadood:

“Heshiiskan iskaashiga ah waa mid taabanaya dhinacyo badan oo dhanka Waxbarashada ah oo uu ka mid yahay; isdhaafsiga arday iyo macallimiin, cilmi-baarista iyo abaabulidda shirar wadajir ah oo Labada Jaamacadood ay soo qabanqaabin doonaan.”, ayuu yiri Axmed ‘Hadi’.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyey in heshiiskani uu yahay mid ay labada Jaamacadood sidii hore si ka wanaagsan ay iskugu soo dhawaanayaan, mirodhal wanaagsanna laga filayo.

Heshiiskan ayaa dhanka Jaamacadda SIU waxaa u saxiisay Guddoomiyaha Jaamacadda Cusmaan Macallin Xasan, halka dhanka SIMAD-na uu u saxiixay Guddoomiyaha Jaamacadda Daahir Xasan Carab.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close