arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“137 jir” … Wax Ka Ogow Bisadda Ugu Cimriga Dheer Adduunka

Bisadda Rubble ayaa waxey la nooshahay haweenayda reer Ingiriis Michele Foster laga soo bilaabo bishii May, 1988.

Sida ay qortay jariidada “The Daily Star” ee dalka Mareykanka ka soo baxda bisaddan ayaa dhawaan loo sameeyay xaflad gaar ah, waxaana loo keenay dhakhtar xoolaad oo si bilaash ah ku baaray caafimaadkeeda.

Waxaa xusid mudan, in “Nutmeg” oo ahayd bisaddii ugu cimriga dheerayd adduunka, ay bakhtiday sanadkii hore iyadoo 32-jir ah.

Rubble waxey isku da’yihiin Scooter oo jabiysay Guinnes Book of World Records. Cimirga bisaddan oo ka tirsan nooca “Maine Coon” ayaa waxa uu u dhigmaa 137 cimriga aadanaha.

Michele oo ah haweenayda bisaddan xanaaneysa ayaa sheegtay in ay tahay mid aad u qurux badan, in kasta oo ay tiri xooga murugo ah ayaan ka arkaa da’deeda darteed.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxey isoo gashay markii aan 20-jir noqday, xilligaas oo ay yareyd. Laakiin weli firfircooni ayaan ka arkaa, aad ayeyna daacad iigu tahay.”

Crème Puff oo bakhtiday 2005 iyadoo 38 jir ah ayaa loo aqoonsan yahay iney tahay bisadda ugu cimriga dheerayd abid bisadah dunida.

Maandeeq FM   

Show More

Related Articles

Close