TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

3 Cirbixiyeen oo Maanta Dib Ugu Soo Laabanaya Dhulka Kadib Markii Shan Bilood iyo Bar Ay Ku Sugnaayeen Hawada Sare

Saddex cirbixiyeen oo ku sugan saldhigga cirbixiyeennada Caalamka ee hawada sare ayaa isku diyaarinaya iney ka soo duulaan saladhigga, safar ay dib ugu soo laabanayaan dhulka, waa safar qaadanaya ku dhawaad 3.5 saacadood.

Ciribixiyeennada soo noqonayaa waxey kala yihiin  Scott Tingle oo ah cirbixiyeen NASA ka tirsan , cirbixiyeen Ruush ah oo la yiraahdo Anton Shkaplerov iyo Norishige Kanai oo ka tirsan JAXA oo ah wakaaladda sahminta hawada sare ee Japan. Cirbixiyeennadan ayaa hawada sare ku sugnaa 5 bilood iyo bar, waxey booska u banneyn doonaan saddex ciribixiyeen oo kale oo hawada sare loo dirayo 6 June.

Sida uu qoray website-ka “The Verge“, Shkaplerov oo ahaa madaxii hore ee saldhiggan caalamiga ah ayaa Jimcihii waxa uu xilka ku wareejiyay cirbixiyeen ka tirsan NASA oo la yiraahdo Drew Feustel.

Saddexda ciribixiyeen ee dhulka ku soo laabanaysa ayaa safarkooda ay dhulka ku imaanayaan bilaabay Subaxnimada hore ee saaka Axadda iyagoo soo raacay  “Soyuz”, waxaana la filaya in ay ku soo dagaan Kazakhstan 2:40 galabnimo.

Marka ay saddex maalmood oo qura ay joognaa ayaa la dirayaa cirbixiyeennadii bedeli lahaa oo iyaguna raacaya dayax-gacmeedka Soyuz, waxaa saldhigga gaari doona cirbixiyeen NASA ka tirsan oo la yiraahdo Serena M. Auñón-Chancellor, cirbixiyeen Ruush ah oo la yiraahdo Sergey Prokopyev iyo ciribixiyeen Jarmal ah oo la yiraahdo Alexander Gerst oo ka tirsan Wakaaladda Cirbixiyeennada Yurub.

-Warkii ugu dambeeyay ee saacad ka hor ay soo qortay NASA saddexdii cirbixiyeen waxey dib ugu soo laabteen dhulka iyagoo nabadqaba, daawo muuqaalkan hoose

Maandeeq FM

Related Articles

Close