WararkaWaxbarashada

Furriinka oo Khatarta Geerida “Xilliga Hore” Ku Kordhiya Dumarka Ku Dhawaad 50%

Daraasad cusub oo Mareykanka laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in furriinku uu keeno khatar ah geeri xilliga hore oo dumarka ku kordha 47%.

Daraasaddan ayaa waxaa lagu ogaaday in furriinka uu kordhiyo khatarta geerida xilliga hore, maadama ay suuraggal tahay in kalataggu uu keeno balwad iyo in Sports-ka oo laga baado.

Cilmi-baaryaashu waxey leeyihiin dadka kalatagaa waxey khatarta ugu badan kaga timaaddaa gaabka dhanka nolosha ee ku imaanaya, cilmi-baarisyo hore loo sameeyay ayaa sidoo kale waxey sheegeen in kala taggu uu keeno geeri xilli hore ah, maadaama ay meesha ka baxayso lamaanihii ku dhiirigelin lahaa in nolosha caafimaadka ah lagu wada socdo.

Dr. Kyle Bourassa oo ka tirsan jaamacadda Arizona, fikradda daraasaddan iska leh, ayaa sheegay in marka dhinacyo badan laga eego xiriir dhammaadaa uu lumiyo xakameyntii muhiimka ahayd ee nolosha caafimaad.”

Khubarada ayaa waxey tilmaameen in daraasaadka soo aaddan looga baaahan yahay in xoogga lagu saaro sida nolosha caafimaad loogu socon karo furriinka kadib.

Bourassa waxa uu tilmaamay in “Dareenka raalli ahaanshiyaha nolosha wuxuu la xiriiraa furriinka iyo heerka shaqada jirka”, sidaa darteed waa in la raadiyo in la helo waddooyin lagu dhayo dareenka qorka oo lagu hagaajin karo caafimaadkiisa jirka, waa sida lagu taageeri karo tijaabooyinkoodii xumaadayna lagu illowsiin karo, arrintaas oo u ogalaaneysa iney horey u socdaan intii ay la noolaan lahaayn dareenka taban ee ka dhasha furriinka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close