JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Luqdda Ingiriiska oo Dibadda Lagu Soo Bartaa: Waa Riyo In La Gaaraa ay Sahlan Tahay

Dunida waxaa laga helaa Luqado farabadan oo qaarkood ay ku astaameysan yihiin awood iyo aftahanimmo, kuwo ay dhex-dhexaad yihiin iyo qaar kale oo in la bartaa ay sahlan tahay. Luqadda Ingiriiska astaamahaa aan soo tilmaanney mid kastaa waxbay ka qaadaneysaa, waa Luqad dabacsan, macno badan, caan ah, dunida oo dhan looga hadlo. Sidaa darteed in luqadda Ingiriiska si wanaagsan loo bartaa waxey lagama maarmaan u tahay qofka doona inuu kaalin sare bulshada ku yeesho.

Siyaabo kala duwan ayaa loo bartaa, waxaase ugu wanaagsan inaad u safarto oo aad kasoo barato waddankii looga hadlayay. Waxaase jira caqabado ku gudban tusaale; da’da, visa helidda, lacagaha tirada badan ee aad ku dageyso waddan aad dooneyso inaad wax ku barato.

Hadaba, maanta waxaan ka hadleynaa In Ingiriiska aad dibadda ku soo barata qiimaha ay leedahay, anagoo idin xasuusineyna akademiyada EF ee arrimahaa ku takhasustay, sidaas oo kale annagoo idiin caddeynayna arrimaha qaar oo idinku garab siineyna inaad si wanaagsan u gaartaan halka ugu habboon ee aad ka heli kartaan howshaa horumarineed ee aad naftaada ku dhisayso.

Waqtigan aad joogto ma ku habboon yahay Inaad Ingiriis barato?

Waxaan shaki ku jirin casrigan aan ku jirno inaan marnaba looga maarmeyn luqadda Ingiriiska, waxey noqotay luqadda Casriga iyo teknolojiyada, waxaana muhiim ah inaan la jaanqaaddo. Cilmiga wax kasta oo ka mid ah iyadaa lagu qoraa, maxaa yeelay waa luqadda ugu caansan, tirada dadka ku hadlaana waxey gaarayaan ku dhawaad 2bilyan oo qof, markaad waddan kasta u safarto waxaad arkaysaa iney tahay luqadda xiriirka ee xilliga dalxiiska, la’aanteed mashaakilaad farabadan ayaan ku dhaceynaa waddanka aan u dalxiis tagno, hadaba waxaa hubaal ah in la joogo waqtigii aan baran lahayn.

Faa’iidooyinka laga helo marka luqadda lagu barto dibadda, gaar ahaan luqadda Ingiriiska

Inaad luqadda barato waxey kugu qaadaneysaa dhowr waddo, waxaad ka bilaabaysaa barashada erayda, sidaad iskugu xirayso adigoo isticmaalaya naxwaha, kadib marxaladda wax akhriska ayaad galeysaa, caado ahaan waxaad u baahan tahay Qaamuus luqadeed oo wanaagsan, ugu dambeyn, ereyada, naxwaha aad baratay waxaad ku dabaqeysaa wadasheekaysi toos ah oo aan la yeelanno dadka kale.

Marka aad waddankaaga joogto dhaqangelinta luqaddu wey kugu adkaaneysaa maxaa yeelay deegaanka aad joogto ayaan kugu dhiirigelineyn oo 24 saacadood looga hadlayo luqadaada hooyo, dadka English-ka ku hadla inaad hesho wey kugu adkaaneysaa, laakiin markaad luqadda ku baraneyso waddankii looga hadlayay waxaa kuu fududaaneysaa inaad  dhaqan geliso.

Sidaas oo kale marka aad luqadda dibadda ku baraneyso waxaad fahmeysaa dhammaan xeeladaha laga maarmaanka ah ee ay isticmaalaan dadka luqaddaa u dhashay iyo dhaqankooda, dhinacyo badanna taageero ayaad ka helaysaa.

Barashada Luqadaha dibadda lagu soo barto ee akademiyada EF

Akademiyada EF waa urur waxbarasho oo ka shaqeeya isdhaafiga luqadda iyo dhaqanka wadama kala duwan ee dunida, waxeyna arrintaa ku gudo jirtay illaa Qarnigii 19aad, EF waa eray laga soo gaabiyay “Education first” waxaa hortabinta leh aqoonta. Akademiyadan waxey kuu suuraggalineysaa 9 Luqadood inaan ka barato 50 waddan oo daafaha kala duwan ee dunida ku kala yaalla, dabcan luqadda Ingiriiskuna waa ka mid.

Barnaamijka waxbarasho ee ay bixiyaan waxey ku qiimeeyaan da’da shakhsiga. Waxey leeyihiin barnaamijyo gaar ah oo da’da ugu yar ay tahay 16 jir, barnaamijyo u gaar ah ardayda Jaamacadaha ee da’doodu u dhaxeyso 16 ilaa 25 sano, iyo barnaamijyo kale oo gaar u ah dadka qaangaarka ah iyo dadka xirfadlayaasha ah.

La xiriir hadda Akademiyada (EF) oo aad ka helayso talooyinka lagama maarmaanka u ah si aad u bilowdo barashada luqadda aad dooneyso wadada ugu fiican. halkan Guji

Maandeeq FM

   

Show More

Related Articles

Close