arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ragga Dunida Ugu Dhaadheer oo Paris Ku Kulmay

Qeyb ka mid ah ragga dunida ugu dhaadheer ayaa ku kulmay Paris si ay isku dhaafsadaan khibradahooda, dadkii ay waddooyinka kula kulmeen ayaa isku arkaya iney yihiin kuwo aad u gaagaaban.

Dadkii marayay wadada Avenue Des Champs- Élysées ayaa galabtii Jimcaha aad ula yaabay, waxey indhahoodu qabteen, waxaa ka mid ahaa caruur si aad ah ula yaabneyd oo sawiro Selfie ah la galeysay.

Dalxiise Faransiis ah ayaa waxa uu yiri: “Dhirirkeygu waa 158cm ma aanan fileyn in aan la kulmi doono dad caynkan oo kale u dhaadheer, gaar ahaan marka aan reer miyi nahay.”

Dalibor Micic oo ah ninka ugu dheer Serbia oo dadkii Paris ku kulmay ka mid ahaa ayaa yiri: “Waxaa arrin qurux badan ah inaan kulanno anagoo ah raggii ugu dhaadheeraa.” Isagoo qoslaaya ayaa waxa uu sii raaciyay hadalkiisa: “Anigaa ugu dheer halka aan dagno, halkan waxaan kula kulmay shakhsiyaad iga dhaadheer, waa arrin aan la rumeysan karin.”

Brahim Takioullah oo dhiririkiisu yahay 2.46 mitir oo ahna ninka labaad ee dunida ugu dheer ayaa yiri: “Dareen goonni ah ayey noo tahay markaan kulanno innagoo ah dad dhaadheer, si isku mid ah ayaan u eegaynaa dadka naga gaagaaban, markaan wadajirno waxaan dareemaynaa inaan walaalo nahay oo awood goonni ah ayaan dareemaynaa.”

Embed from Getty Images

Maandeeq FM  

Show More

Related Articles

Close