arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Denmark: Niqaabka ayey Mamnuuceen.. Dadkii Soomaanaa Waxey Ku Tilmaameen “Khatar”, Hadda Waxey Wadaan Qaanuun Adkeynaya Ku Dhaqanka Diintooda

Baarlamaanka Denmark oo Khamiistii May 31, soo saaray qaanuun lagu mamnuucayo Niqaabka ayaa hadana isku diyaarinaya inuu ka doodo mid kale oo lagu mamnuucayo gudniinka wiilasha.

Sida ay qortay jariidada “The New York Time” ee dalka Mareykanka ka soo baxda, Denmark ayaa lagu yaqaannaa tallaabooyin ku dhac leh sida xuquuqda dumarka, deeqaha horumarineed iyo tamarta cagaaran, laakiin wasiirrada xukuumadda dalkaas ayaa waxey ka labo labeynayaan ine ka doodaan qadiyad kale oo caalami ah  oo aan cid kale uga horreyn: Waa in la mamnuuco gudniinka Wiilasha.

Firkadda ayaa dibadda soo dhigeysa su’aalo dad badan culeys ku noqonaya oo ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo xorriyada diimaha, iyadoo arrimahaas oo dhani ay jiranaan ayaa hadana baarlaamku ay ka doodi doonaan qodobkan xasaasiga ah xilli dhow.

Warqad furan oo ay saxiixeen 50 kun oo qof si loo joojiyo gudniinka wiilasha

Denmark baarlaamku waxey ku khasban yihiin iney ka doodaan ra’yi uruurin kasta oo ay ku kulmaan 50 kun oo qof oo dhanka internet-ka ka codeya, markaa waxaa lagu soo darayaa ajandaha golaha, tiradii loo baahnaa ayaa ay gaareen ol’ole lagu codsanayey in da’da wiilasha lagu gudo la gaarsiiyo 18 jir, iyagoo ku doodaya in xuquuqda aasaasiga ah ee canuga la ilaalinayo.

Waqti goonni ah oo ay ajandahan baarlaamku ka doodayaan lama qaban, laakiin ma jiri doono fadhi degdeg ah oo uu ka yeelanayo, waxaana la sugayaa inta uu baarlaamku fasaxa ka soo noqnayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close