WararkaWaxbarashada

Macallin Mareykan ah oo Xabsi Ku Waajahaya Ficil “Waxashnimo ah” Oo Ardayda Hortooda Uu Ku Sameeyay

Macallim Mareykan ah ayaa waajahaya xukun xarig  iyo ganaax iskugu jira kadib markii uu ey jirran siiyay Qubo hilib cun ah ardayda hortooda.

Sida warbaahinta Mareykanku ay sheegtay, waa la dilay Qubadii hilib cunka ahayd, maadama ay ka mid tahay noocyada Qubooyinka ugu khatarta badan in ardayda la ag keenaana aaney habbooneyn.

Macallinka oo la yiraahdo Robert Crosland ayaa lagu eedeeyay inuu si naxariis darro ah ula dhaqmay xayawaanka, iyadoo la filayo inuu waajaho xukun 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax 5 kun oo dolar gaaraya.

Waxaa bilowday ol’ole lagaga soo horjeedo macallinka iyo mid kale oo lagu taageerayo, halka jamciyadda xuquuqda xayaanka ee Crosland ay macallinka ku eedaysay inuu yahay “Shakhsi waxaanuu ahayn isbiday isla markaana aaney habbooneyn in  caruurta uu horjoogsado.”

Macallinkan oo maadada biology-ga ka dhiga iskuulka Preston Junior High School, ayaa dadka difaacayaa ay sheegayaan in mar kasta Eygaa yari uu iska dhiman lahaa, macallinku tallaabada uu qaadayna ay ahayd mid sax ah, maadama uu ardayda barayay maadada biology-ga  oo hab goonni uu u barayay si uu fahamka maadada u xoojiyo.

Daawo Muuqaalkan hoose waxa uu caddeynaa sida Qubada hilib cunka ah ay afkeeda wax ugu burburiso:

Maandeeq FM  

Related Articles

Close