WararkaWaxbarashada

Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Somaliland oo La Kulmay Madaxa Hay’adda “ASIC” ee Taageerta Waxbarashada Wadamada Soo Koraya

Wasiir Kuxigeenka wasaarada waxbarashadda C/qaadir Maxamuud Sheekh Muxumed oo socdaal shaqo ku gaaray waddanka Ingiriiska ayaa kulan la yeeshay madaxa hay’ada ASIC Maurice Dimmock.

Wasiirka iyo madaxa hay’adani waxey ka wada hadleen sidii ay caawimo uga geysan lahayd ASIC waxbarashada Somaliland. hay’adan oo ah mid madax banaan ayaa dalka ingiriiska u qaabilsan horumarinta iyo kor u qaadka arrimaha waxbarashadda, sidoo kale waxay hay’adani caawimooyin ka geysataa waxbarashadda waddamada soo koraya.

Ka dib kullan saacado badan qaatay oo ay wada yeesheen waxay masuuliyiintanu isla garteen in la sii xoojiyo wada xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dhinac ee ku wajahan dhanka waxbarashadda, waxaanu madaxa hay’adani ballanqaaday in uu Somaliland la shaqayn doono.

Dhanka kale, wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Cabdulqaadir Maxamuud Sh Muxumed waxa uu marti-qaad u fidiyey madaxa u Sareeyey hay’adan ASIC Maurice, waxaanu ka aqbalay masuulkani martiqaadkaa rasmiga ah ee uu u fidiyey wasiir Cabdulqaadir, waxaanu dhawaan ku imaan doonaa booqasho rasmi ah oo uu ku indha-indheyn doono meelaha ay Somaliland ka caawin karaan ee dhanka waxbarashadda ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close