WararkaWaxbarashada

Dhulgariir Xooggan oo Ku Soo Foolleh Caasimadda Ingiriiska ee London

Cilmi-baarayaal ka tirsan kulliyadda London Imperial College ayaa sheegay in laga cabsi qabo in xilli dhow uu ku dhufto caasimaadda Ingiriiska ee London dhulgaririirkii ugu weynaa taariikhda magaalada.

Khubaro Ingiriis ah ayaa natiijadan gaaray kadib markii ay baaritaanno ku sameeyeen Geology-ga dhulka hoose ee UK, waxaa la arkay in Labo dillaac oo waaweyn uu ku  jiro dhulka hoose ee magaalada ay dadku ku badan yihiin.

Khubaradan ayaa waxey sheegeen in London ay ka dhaceen 14 dhulgariir 5 tii sano ee la soo dhaafay oo heerkiisu uu u dhaxeeyay 2.5 ilaa 3.7 darajo, dhammaan dhulgariiradaasi wey ka fogaayeen dhex bartamaha magaalada, waxeyna ka dhaceen meel ay dadku ku yaryihiin, halka midka la filayaa uu burbur xoog leh geysan karo.

Sababta keenaysa iney dad badani ku waxyeelloobaan ayaa ah; darajadiisa oo gaareysa 5, magaalada London oo dadku ay aad ugu badan yihiin iyo magaalda oo ay ka dhisan yihiin dhismayaal aad xasaasi u ah oo aan xami karin dhulgariirro xoog badan. Haddii silsilado dhulgariirro ah oo is-xigxiga ay noqdaanna magaalada oo dhan ayaa ku burburi karta in dadka laga daadgureeyaana waxey noqoneysaa arrin aan suuraggal ahayn.

Waxaa xusid mudan, magaalada London ayaa horey waxaa uga dhacay dhulgariir awoodiisu ay gaartay 5.5 darajo sanadkii 1580.

Maandeeq FM

Related Articles

Close