arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kaftan Sababay Dhaawaca 10 Qof oo Rakaabka Diyaaradeed Ah (Muuqaal)

Kaftan xaalad argagax leh ku abuuray rakaabka diyaarad Thailand laga leeyahay, waxey ka boodeen kuraastoodii iyagoo garabka diyaaradda ku booday, arrintaas oo keentay in 10 ka mid ah ay ku dhaawacmaan.

Sida ay qortay jariidada Asia One ee ka soo baxda dalka Indonesia, dhacdadan ayaa waxey ka dhacday diyaarad raacsaneyd shirkadda duulimaadka Thailand oo la yiraahdo Lion Aircraft Air oo isku diyaarineysay iney ka duusho airportka Indonesia, qof ka carooday shaqaalaha diyaaradda ayaa kaftan ku yiri bam ayaa ku qarsan gudaha diyaaradda.

Shaqaalihii diyaaradda ayaa duliyihii warkii u geeyay, dadkii oo dhanna waxey ka codsadeen iyagoo daggan iney diyaaradda ka dagaan albaabka hore, laakiin mid ka mid ah rakaabka ayaa argagax ku dhacay markii uu maqlay in mab uu diyaaradda ku jiro, waxa uu furay albaabkii loogu talogalay xaaladadaha degdegga ah, diyaaraddii ayuu garabkeeda ka booday, arrintii rakaab kale ayey saameysay oo dariishadaha ka booday, arrintaas oo keentay iney soo gaaraan jab, darakharro iyo murgacasho.

Ciidanka ammaanka ayaa qabtay ninkii kaftanka beenta ah faafiyay, waxaana laga hakiyay inuu safarkiisa sii wato, sidaas oo kale waxaa la xannibay qof kale oo rakaab ahaa oo jabiyay albaabka(iridda) diyaaradda, maxaa yeelay; inuu sidaa sameeyo ma aaney ahayn xitaa haddii uu bam diyaaradda ku jiro, waa sida uu yiri maamulaha airport-ka, waxa uu tilmaamay in labadan qof ee rakaabka ah caddaaladda la horkeeni doono, waxaana dhici karta iney waajahaan xabsi gaaraya 8-sano.

Maandeeq FM

Related Articles

Close