WararkaWaxbarashada

Cadaado: Arday Tiro Yar oo Aaminta Iney Gudaha Magaalada Jaamacad Ka Dhigtaan Bedelkii Ay U Baqooli Lahaayeen Muqdisho

Gobollada dalka qaarkood, gaar ahaan gobollada dhexe ayaa waxaa ku yar waxbarashada heerka Jaamacadeed, iyadoo inta badan ardayda dugsiga sare ka dhammeysaa ay u soo baqoolaan magaalda Muqdisho.

Cadaado, waxaa ka furan Labo Jaamacadood, kuwaasi oo ay dhigtaan arday dugsiga ka dhammeysay gudaha magaalada oo aaminay tayada waxbarasho ee Jaamacadaha magaalada gudaheeda ka dhisan.

Ardydaa waxaa ka mid ah Liibaan Axmed Xirsi oo ka hadlaya sida uu ugu faraxsan yahay kadib markii uu gaaray xilliga difaacashada buuggiisa:

“Magaceygu waa Liibaan Axmed Xirsi, waxaan joogaa Jaamacadda Horn Africa Cadaado Campus, waxaan aad ugu faraxsanaha heerka aan maanta soo gaaray, kadib 4 sanno oo aan soo waday Jaamacaddeyda, maanta waxaan difaacayaan buugayga oo ah maadada Public admistration-ka oo aan ka sameynayay cilmi-baaris waxbarashada ku saabsan.”

Dhanka kale, Cabdirashiid Muuse Ibraahim ‘Gurey’, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii xilligii dowladdii hore dugsida sare ka qalinjabisay, laakiin uu hadda ku jiro ardayda difaacanaysa buuga teases-ka jaamacadda:

“Waxaan ka mid ahaa dadkii waxbarashada lacag la’aanta ah xilligii dowladda Maxamed Siyaad Barre wax ku soo bartay, dugsigeysii sare waxaan ka baxay 1984, kadibna waxaan go’aansaday inaan sii dhameystirto waxbarashadeydii, waxaan galay Jaamacadda Horn Africa, waxaan soo dhiganaayay 4 sano, waxaan dhiganaayay Public Administration, maantana waxaan soo gaaray inaan daafacdo buugeygii, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan heerkaan joogo, dareenkaygana lama soo koobi karo,

Maamulaha Jaamacadda Horn Africa qeybta magaalda Cadaado, Macallin Maxamed Khadar ayaa dhankiisa ka hadlay dareenka inuu la wadaagayo ardayda, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa: “Waa maalin faraxadeed, waxaa noosoo gabagaboobay oo aan qabaneynay difaacasho buug, arday 4sano soo dhiganeysay Jaamacadda oo gaaraya illaa iyo 15 oo difaacanayay buugga qalinjabinta ay soo diyaariyeen, ardaydu waxey baranayeen Public Admin, jaamacadda Horn Africa Campus-keeda Cadaado, waxaana u suuragashay iney difaacdaan.”

Si kastaba, inkasta oo ay jirto in Jaamacaduhu ay ku yaryihiin gobollada dhexe, ayaa ardayda dugsiga sare ka qalinjabisa badankood waxey u baqoolaan magaalada Muqdisho,  waxaase jira arday aamintay Jaamacadaha gobollada ay ku sugan yihiin, isla markaana ku faraxsan iney wax ku bartaan intii ay u safri lahaayeen meel aad uga fog deegaankii ay ku noolaayeen.

Maandeeq FM    

Related Articles

Close