WacyigelinWararkaWaxbarashada

Inta Aadan “Saaxiibkaa” Shaqaaleysiin Qodobbadan Fiiro Gaar ah u Yeelo

Shaqada waxaan bilaabay xilli hore. Markii aan 17 jir ahaa, waxaan qayb ka ahaa shirkad horumar fiican sameynaysa, xilligaa waxaan go’aansaday inaan garab weydiisto saaxiib aabahay aad ugu dhawaa, farxad dheeraad ah ayaan dareemay markii uu iga ogalaaday inuu nala shaqeeyo.

Laakiin bilowgii horeba waxaan dareemay dhibaato. Waxa uu ahaa qof i yaqaannay illaa inta aan naasnuugga ahaa. waxaan u qaadan waayay inaan maamulhiisa ahay, isaguna ila mid ayuu ahaa. Waxey arrintu sii cuslaatay markii uu shaqada xilli dambe yimaaddo isla markaana uu goor hore ka rawaxo uu been-abuuro warbixinnada kharashaadka ku saabsan, macaamiil aanuu nagu wargelin uu heshiisyo la galo, waxaan aad ugu dhibaatooday wixii aan sameyn lahaa. Markii aan walwalkayga u sheego waxa uu ugu samarsiinayaa cod aabenimo in waxwalaaba sidii loogu talgalay ay noqon doonaan. Markii aan ka dacwoodo xeerarka uu ka tillaabsanayo waxa uu igu yiraahdaa weli sidaadii ayaad u dhib badan tahay, markii aan muddo sanad ah aan sidaa ku jiray ayaan ugu dambeyn ku khasbaaneyday inaan shaqada ka cayriyo.

Markaa kadib waxaan ku dhaartay in qof dambe oo saaxiib ah aanan shaqaaleysiin. Saaxiibtinimo kooban ayaa isku bedeshay awood xoog badan, waxaan noqon kartaa saaxiib ama maamule laakiin labadaa iskuma noqon kartid.

Dhacdadaa wixii ka dambeeyay, aad ayaan u waayo arkay, nasiib wanaag, waxaan ogaaday inaan khaldanaa. Waxaan eegay xiriirka u dhexeeya saaxiib iyo maamule shirkadeed oo aan xoog u daraaseeyay, hadda waxaan aqaanna sida uu xiriirkaasi ku guuleysan karo. Arrinta aasaasiga ah ee xiriirkaasi ku guuleysan karo ayaa ah in xoogaa run ah la isku sheego shaqada ka hor, wadadan ayaana la maraa:

  1. Marka hore shaqada ha u soo bandhigin haddii uu yahay qof aadan waxba ka diidi karin

Naftaada weydii, “Haddii aad shaqo siin u soo bandhigto”, maya ma dhihi kartaa hadhow haddii aad heshiiska isku fahmi weydaan, haddii aadan waxba ka diidi karin, marka horeba ha ku fakarin inaad qofkaas maamule u noqoto.

  1. Naftaada Marin ay ku baxsato u samee

Haddii aad ku fakarto in qof kuu dhow aad shaqaaleysiiso, marka aad wadahadlka bilaabeysaan u sheeg haddii aad isfahmi weydaan ay u badan tahay inuu shaqada waayayo, haddiise aad marka hore siiso rajo badan ogow dagaalkaa waad ku guuldarreysatay.

  1. Naftaada ku leyli xuduudaha nafsiga ah haddii xaaladaha qaar ay ku soo waajahaan

Naftaada ha khiyaamin oo ha is oran saaxiibka wanaagsan shaqaale fiicanna wuu noqon karaa, waxaa dhici karta inuu caajislow noqdo, aragti gaaban, caro badan, aan aamin ahayn, intii aad dhibaatooyinkaa ku dhici lahayd adigoon u diyaarsaneyn naftaada u sii layli. Ka sii fakar, haddii go’aan aad soo saarto uu ka hor yimaaddo sidii aad ula dhaqmi lahayd ama ra’yigaaga si uu bareer ah uga soo horjeesto habkii aad ku waajihi lahayd..

Si kastaba, waxaa muhiim ah inaan saaxiibadeen garab siinno marka ay u baahan yihiin, laakiin waxaa lagama maarmaan ah inaad u soo bandhigto xeerka lagama maarmaanka ay tahay in lagu wada dhaqmo, qofkii dhaafaana sharciga la marsiinayo, xitaa haddii uu yahay saaxiibka kuugu dhow,  marwalbaaba howltabinta koowaad waxaa leh shaqada marka shaqada la joogo.

Maqaalkan waxaa Harvard Business Review ku qortay Joseph Grenny: waxa ay ka mid tahay qoraaga ugu caansan ee dhanka Culuumta Bulshada iyo gacnsiga, buugaagta ay qortay waxey soo galeen kuwa ugu iibsiga badan liiska joornaalka New York 4 jeer. Buugaagteeda waxaa lagu tarjumey 28 luqadood, waxaanad ka heli kartaa ilaa 36 dowladood. Waa aasaasaha shirkadda (VitalSmarts), waa mu’asasad tababar u fidisa kaadirka howlgudashada shirkadaha iyo horumarintooda u xilsaaran.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close