WararkaWaxbarashada

Kulan Lagu Cosbooneysiinayay Heshiiska Deeqaha Waxbrasho ee Puntland Ay Ka Hesho Itoobiya oo Ka Dhacay Magaalada Addis Ababa

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Yaasiin Cabdi Seed oo safar shaqo ku gaaray dalka Itoobiya ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dalkaasi.

Safarkan ayaa ulajeedadiisu ahaa sidii loo cusbooneysiin lahaa heshiiska deeqaha Waxbarashada ee Puntland horey ula gashay Itoobiya.

Sida uu sheegay madaxa isku xirka Wasaaradda Waxbarasahda iyo Tacliinta sare ee Puntland Deeq ‘Hurevov’, kulankii ay wada qaateen Wasiir dowlahada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland iyo labada Wasiiru dowle ee Waxbarasahda iyo Tacliinta sare ee Itoobiya ayaa waxaa la isku afgartay:

b) In la kordhiyo tirada ardayda ka faa’ideysata fursadaha deeqa waxbarasho ee Itoobiya.

t) In Kulliyado cusub lagu soo kordhiyo deeqaha waxbarasho ee ay Itoobiyaanku bixiyaan.

j) In la joogteeyo kulamada iyo xiriirka ka dhexeeya labada Wasaaraadood ee Waxbarasho ee Puntland iyo Itoobiya.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close