WararkaWaxbarashada

Maxamed Saalax oo Dood Ka Dhaliyay Gudaha Jaamacadda Dimishiq ee Suuriya

Maxamed Saalax, laacibka reer Masar ee dhanka Kubadda Cagta xariifka ku ah ayaa dood ka dhaliyay gudaha Jaamacadda Dimishiq ee Suuriya, kadib markii ardayda su’aalihii Imtixaanka loogu soo daray sharciyadda dhaawaciii uu u geystay “Sergio Ramos” ee final-kii Champions league 2018.

Professorkii maadada Qaanuunka ee ku takhasusay Xeerka Ciqaabta ayaa ardayda ugu soo daray imtixaanka su’aal ka hadlaysa sabab uu Ramos xaqa ugu yeeshay inuu xoog xad dhaaf ah u adeegsado xidigga Carbeed ee Muslimka ah, arrintaas oo dood ka dhalisay gudaha ardayda, marka ugu horreysa su’aasha oo ay la yaabeen, marka xigta ra’yigooda oo ku kala qeybsamay cidda imtixaanka soo dejisay kooxda ay taageerto, iyadoo qaarkood ay yiraahdeen taageero Real Madrid ah oo xag jir ah ayaa imtixaanka soo dejiyay, iyagoo magacallinka u xaglinaya inuu taageero kooxdaasi, halka ardayda qaar ay tilmaameen inuu taageero Barcelona ah yahay.

BBC oo heshay nuqul ka mid ah warqaddii rasmiga ahayd ee Imtixaanka, ayaa su’aashu waxey u qorneyd sidan: “Sergio Ramos waxa uu dhaawac u geystay Maxamed Saalax, final-kii Champions League 2018. Sida caadiga ah, Ramos lama weydiin karo sababta ficilkaa uu ugu kacay, waxaa dhici karta iney ku kulantay 4-shardi oo Ramos u ogolaaneysa inuu adeegsado awood xad dhaaf ah, shuruudahaa tiri .”

Maxamed Saalax ayaa hadda lagu daaweynayaa magaalada Valencia ee dalka Spain, iyadoo la filayo inuu dhaawaca ka soo kabsado inta ka horreysa ciyaaraha Koobka Adduunka oo maalmo koobani ay ka harsan yihiin.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close