arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaaraha Holland oo Dhulka Masaxaya Kadib Markii Uu Ka Daatay Koob Shaah Ah oo Uu Gacanta Ku Watay (Muuqaal)

Ra’iisul wasaaraha Dutch-ka Mark Rutte ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada, kadib markii muuqaal laga soo duubay isagoo dhulka ka masaxa koob Shaah ah oo ka daatay xilli uu shir u socoday.

Muuqaalka ayaa muujinaya Ra’isul-wasaaraha oo kulan u socda ayaa xilli uu ka gudbayay albaab electronic ah waxaa ka dhacay koob Shaah ah oo uu gacanta ku watay oo dhulka ku daatay, isla markiiba waxa uu eegtay masaxaaddii goobta ka agdhaweyd isaga ayaana gacantiisa ku masaxay, iyadoo ay goobta joogeen 5 haween ah oo shaqadaa u diyaarsanaa, waxeysa si la yaab leh u daawadeen shaqada Ra’isul-wasaaraha oo aan cidna u aabayeelin illaa uu goobka ka nadiifiyo.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close