CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Socodka oo Muhiim Ah Afurka Ka Hor

Waxaa loo aqoonsan yahay socodka Saacad iyo 15-daqiiqo ka hor xilliga afurka inuu ka mid yahay howlaha ay lagama maarmaanka tahay in la ilaashado inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxa uu jirka ka fogeeyaa Side effects kasta oo aan wanaagsaneyn oo caafimaadka guud soo waajihi kara.

Sida ay cilmi-baarisyadu sheegayaan socodku waxa uu jirka dibadda uga saaraa suntan, miisaanka waa lagu dhimaa, waxaana uu jirka ka gubaa calores farabadan oo aanuu u baahneyn.

Waxaa intaa barbar socda, socodku waxa uu firfircooni geliyaa wareegga dhiigga, caafimaadka wadanahana wuu hagaajiyaa, difaaca jirkana wuu xoojiyaa, nasasho wanaagsan waa lagu helaa, waxaad ku dareemaysaa nafis marka aad afurka cunto kadib.

Dadka maalintii shaqeeya ee aan jirkoodu dhisneyn, awoodna aan u lahayn u adkaysiga daalka iyo harraadka, waxaa lagula taliyaa inaaney wax socod ah sameyn afurka ka hor, waa iney socodka sameeyaan marka ay afuraan saacado ka dib; waxaa sidaa loo yeelaa si aaney ugu dhicin dhibaatooyin caafimaad oo khatar badan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close