WararkaWaxbarashada

Gabagabada Ramadaan: Sida Ugu Wanaagsan ee “Afurka” Loo Cuno

Cunnooyinka la cuno bilowga bisha barakeysan ee Ramaad wey ka duwan yihiin kuwa qaato gabagabada bisha barakeysa, mar kasta oo bishu ay sii dhammaaneyso waxaa la socota in cunnooyinkii aad qaadan jirtay ay sii yaraanayaan,  sidaa darteed waa fursad muhiim ah oo xoogga lagu saaro cunnooyinka nacfiga leh bedelkii cunno badan oo aan tayo lahayn la isticmaali lahaa.

Dr Maxamed Xilmi oo ah la taliye caafimaad oo dhanka buurinida iyo is caataysiinta ah oo la hadlay wargeysa “Youm7″ ee dalka Masar ka soo baxa ayaa sheegay in afurka xilliga suxuurta gabagabada ramadaan xoogga la saaro cunno nacfi leh, waxa uu yiri:

-Timirta waxey ka mid tahay xeeladaha wanaagsan ee soonka lagu jabiyo xilliga afurka, gaajadii aad dareemaysay ayuu kaa yareynayaa.

-Mishaaridu waxey muhiim tahay xilliga afurka, caloosha ayey u diyaarisaa  cuntada kale iney qaabisho.

-Ansalaatada iyo khudaarta waa inaad cunto afurka iyo suxuurta labadaba, maxaa yeelay; waxaa ka buuxa maaddooyin nacfi leh oo muhiim ah oo jirka uu siyaabo kala duwan ugu baahan yahay.

-Xilliga Suxuurta biyo badan ha cabbin, maxaa yeelay; waxa uu dhibaato ku keenayaa dheefshiidka.

-Ka fogow cabitaannada soft-iga ah ee fudud, maxaa yeelay caafimaadka caloosha ayay u daran yihiin.

-Suxuurta isticmaal digirta! iyo ukunta biyo lagu kariyay, waa raashin muhiim u ah caafimaadkaaga[hubaal: digirta sida aan u karso si ka duwan ayaa dunida looga kariyaa].

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close