WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Walwal Laga Muujinayo Sixitaanka Imtixaanka “Midaysan” ee Sanad-dugsiyeedkan 2017/2018

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa sixitaanka imtixaankii midaysnaa oo ay sanadkan u fariistay 24,283, waxaase jira walwal ku aaddan sixitaanka imtixaanka oo ardayda qaar ay ku doodayaan in hab qiyaas ah lagu saxo, ayna ka cabsi qabaan iney ku waayaan caddaaladdii ay u baahnaayeen.

Axmed Xasan oo ka mid ah ardayda sanadkan imtixaanka ka qabygashay ayaa noo sheegay walwalka uu qabo iyo rajada uu filayo sanadkan:

“Magacaygu waa Axmed Xasan Daahir ka dhammeeyay Iskuulka, run ahaantii haddaan ka hadlo imtixaanka waxaan rajeynaa inaan ka mid ahaado ardayda ugu sarreysa imtixaanka rajada aan qabaa  aada ayey u weyn tahay, laakiin waa in si cadaalada ah loo saxaa imtixaanka waayo imtixaanka sanadadii danbe waxaa loo saxayey qaab qiyaas ah, arrintaasina waa cadaalad-darro.”

Cabdiraxmaan Aadan ayaa isna dhankiisa tilmaamay in haddii qof walba sidii uu u shaqeysta uu wax u helo uu rajo weyn ka qabo imtixaanka:

“Magacaygu waa Cabdi Raxmaan Aadan Xasan oo dhameeyay  iskuulka Raage Ugaas, xaqiiqadii sanaddan imtixaanka rajo weyn ayaan ka sugayaa maadama imtixaanka lagu diyaariyay dalka, lana yareeyay musuqii badnaa ee imtixaanka ka dhici jiray haddii qof waliba sidii uu u shaqeeyay loo abaalmariyo waxaan rajeynayaa inaan ka mid ahaado ardayda sanaddaan aada dalka Chine.”

Ikraan Cusmaan ka hadleysa imtixaanka sanadkan inuu dhinacyo badan kaga duwanaa imtixaannadii ka horreeyay isla markaana ay natiijo fiican ka fileyso:

“Magacaygu waa Ikraan Cusmaan Xasan, ka baxday Iskuulka Xamar Jajab xaqiiqadii haddaan ka hadlo imtixaankii sanaddaan la-galay waxa uu ahaa imtixaan ka duwan imtixaankii lasoo galay sanadaddii hore dhan waliba, waxa uu ahaa imtixaankii ugu horreeyay ee dalka lagu diyaariyo muddo 30-sana kadib, waxaan rajeynayaa sanaddaan inay yaraadaan ardaydii badnaa ee dhacaysay sanadii hore, waayo imtixaanka aad buu u sahlanaa waxaana rajeynayaa sanaddaan inaan ahaado ardayda helo deeqaha wax barasho.”

Shamso Axmed ayaa ka hadashay in imtixaanka dalladda uu la adkaa dhankeeda, kan Wasaaradda Waxbarashadana ay rajo fiican ka qabto:

“Magacaygu waa Shamso Axmed Muuse ka baxday ka baxday Abuu Xaniifa dharkeenlay, rajada imtixaanka sanadkan aad ayeyn ufiican tahay, aniga waxaaba ii daran kan dallada iyo dowlada kan dowllada, waxaana rajeynaa dhammaan asxaabtayda inaan wada aadno dalka dibaddiisa.”

Dhanka kale, Cabdi Khadar Cabdillaahi Maxamed oo ka tirsan maamulka Anas Binu Maalik ahna madaxa Waxbarashada ayaa noo sheegay inaan imtixaanka saxitaankiisa wax tashi ah aan lagagala sameeyn laakiin ay kan dowladda kaga kalsooni badan yihiin kii dalladda:

“Ardaydu waxey noo sheegeen iney ku kalsooni badan yihiin imtixaanka dowladda, sixitaanka imtixaanka waxaan kala soconno ma jirto, laakiin ciddii caddaalad-darro la tirmaadda ay iyada un dhibayso.”

Maamule iskuul oo noo diiday inaan magaciisa u adeegsanno saxaafadda ayaa noo sheegay, inkasta oo aaney ka hordhici karin waxa soo bixi doona maadaama isbedel lagu sameeyay madaxdii sare ee wasaaradda, ay hadanan sanadkan ka walwal badan yihiin sanadkii hore, maadama la-tashiga ay wasaaraddu la sameysay uu aad u yaraa sanadkan, isla markaana macallimiin kooban meelaha qaar looga yeeray si ay sixitaanka imtixaanka uga qaybqaataan.

Si kastaba, Sanadkii hore waxaa imtixaanka laga qaaday May 20, 2017, waxa uu sixitaankiisu qaatay ilaa July 20, 2017, sanadkan oo imtixaanku aad uga badan yahay kii kal hore, ardayduna ay ka tiro badnaayeen sanadkii hore ayaan la ogeyn bilaha uu sixitaankiisu qaadan karo iyo in cadaalad wax lagu sixi doono iyo in kale.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close