WararkaWaxbarashada

Waqtiga Ugu Habboon ee Qaxwada La Cabbo

Khubaro Mareykan ah oo ka tirsan Labada Jaamacadood ee Ohio iyo California ayaa daahroga in Caffeine-ka la cabbo uu kordhiyo baraarugga iyo howlgudashada xilliga shaqada.

Sida lagu qoray Joornaalka “Journal of Psychopharmacology“, culumadan ayaa tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in Qaxwada la cabbo xilliyo go’an si loo helo saameyntii loo baahnaa.

Tijaabo ay sameeyeen khubaradan ayaa waxaa ka qaybgalay 72 arday. Iyadoo dadkii ka qaybgalay aan loo sheegin danta laga leeyahay tijaabada, waxey moodayeen iney dhadhaminayaan noocyo cusub oo Qaxwo ah isla markaana ay helayaan mawaadiic si wada jir ah looga doodayo.

Dadkaa mutadawiciinta ah ayaa loo qaybiyay labo kooxood. Kooxda kowaad waxaa la siiyo Qaxwo ay ku jiraan 270 Mg oo Caffeine ah inta aan doodda la furin ka hor, halka kooxda kale ay Qaxwahooda cabbeen marka ay doodda dhammaato kadib. waxaa laga codsaday iney si wada jira ah u qabtaan howlqabadyo dhanka caqliga ku saabsan.

Tijaabadii waxaa ka caddaatay in kooxdii Qaxwada cabtay howlqabadka ka hor ay ka shaqo fiicnaadeen 1.4 jeer, kooxdii labaad ee Qaxwada cabbeysay howlqabadka kadib.

Isla tijaabadan ayaa lagu fuliyay 62 arday oo kale oo qaarkood la siiyo Qaxwo Caffeine leh halka koox labaadna la siiyay Qaxwo aan caffeine lahayn. Natiijadii waxey noqotay in ay fiicnaadeen kooxdii Caffeine-ta cabtay.

Khubaradu waxey tilmaameen in dadkii tijaabada laga qaaday ay noqdeen kuwo baraaruggoodu sarreeyo markii ay qaxwada habbeen kadib.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close