arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xarunta IAC oo Shaacisay Maalinta Koowaad ee “Ciidul Fidriga” ee Inta Badan Dowladaha Adduunka

Xarunta Caalamiga ah ee Astronomy-ga oo ah mashuuc Islaami ah oo dhashada bisha ku takhasusay ayaa Abacadii June 6, 2018, ku dhawaaqay in Ciidul Fidriga uu bilaaban doono maalinta Jimcaha ah ee June 15, inta badan waddamada Caalamka.

Sida uu qoray website-ka SKY News. Xaruntan oo saldhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa caddeysay in inta badan dowlahad Islaamka ay raadinta dhalashada bisha Shawaal ay bilaabi doonaan Khamiista June 14, 2018.

Xaruntan oo bayaan soo saartay ayaa tiri, “Waxaa bisha lagu arki karaa indhaha caadiga ah ama iyadoo la adeegsanayo Telescope dhammaan dowladaha islaamka, waa marka ay samadu saafi tahay. Sidaa darteed waxaa la filayaa maalinta Jimcaha ah ee June 15, 2018 iney tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga dhammaan dowladaha Caalamka.”, waa sida lagu sheegay bayaanka xarunta ka soo baxay.

Jariidada “ajel.sa” ee dalka Sucuudiga ka soo baxda ayaa soo xigatay Abdul Aziz al-Hussaini oo dhanka Astronomy-ga ku takhasusay oo isna dhankiisa adkeeyay in Ramadaan uu sanadkan noqon doono mid naaqis ah oo la Soomi doono 29 cisho oo qura, halka ciiddu ay noqoneyso June 15, 2018.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa waxa uu ku sheegay in bisha la arki karo, shardiga kaliya ee ku xiran uu yahay in samadu ay saafi tahay.

Xarunta Caalamiga ah ee Astronomy-ga ayaa daggan caasimadda Imaaraatka  waxey u xilsaaran tahay arrimaha xidigaha; xaruntan waxaa iskugu yimid khubaro ku takhasusay cilmiga Astromy-ga, shaqooyinka ay qabato ee ugu muhiimsan waxaa ka mid ah; mashuurca Islaamiga ah ee dhashada bisha iyo barnaamijka ilaalada dayax gacmeedka. Mashruucan ayaa la aasaasay sanadkii 1419 h-1998; si loogu dhabbo galayo arrimaha xidigaha, bilashada bisha, xilliyada salaadda, taariikhda Hijriga iyo jihada Qiblada.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close