WararkaWaxbarashada

Bill Gates oo Buugga “Xaqiiqooyinka” Si Bilaash ah Ugu Qaybinaya 4 Milyan oo Arday

Bill Gates, Aasasaha shirkadda Microsoft ayaa 4 milyan oo arday Mareykan ah oo sanadkan 2018 ka qalinjabineysa Jaamacadaha u ballaanqaaday fursad ay si bishaa ah ugu heli karaan cilmi-baaristii dhakhtarta reer Sweden ee “Hans Rosling” iyo buuggiisa  ugu dambeeyey ee “Xaqiiqooyinka.”

Sida uu qorshuhu yahay arday kasta oo ka qalinjabinaya Jaamacadda gudaha dalka Mareykanka waxa uu helayaa nuqul ka mid ah buugga uu qoray dhakhtarka reer Sweden ee Hans Rosling, waxaa la socda nuskhad buuggii ugu dambeeyay ee uu soo saaray sanadkii hore.

Dhankatarkan reer Sweden ayaa waxa uu yahay macallin caafimaadka dunida si aad ah looga yaqaannay, waxa uu buuggan ka shaqeynayay isagoo sariirta la jiifay cudurka cancer-ka oo uu sanadkii hore u geeriyooday, waxa uu tilmaamayaa dhakhtarkani in cutubyo buugga ka mid ah loo saaray gaariga gurmadka degdeg ah xilligii isbitaalka loo kaxeynayay.

Buuggan ayaa waxaa dhammeystiray wiil u dhalay iyo mid kale oo uu soddog u ahaa dhakhtarku, buuggan ayaa waxa uu noqday kan ugu iibsiga badan gudaha dalka Mareykanka, waxaana lagu daabacay 16 jeer gudaha Ingiriiska oo markasta oo uu go’o dib loo daabacayay.

Gates ayaa ka soo dhex muuqanaya garbadka gudaha ee buugga, waxa uu sheegayaa in buuggu yahay “Buugagtii uu akhriyay kuwoodii ugu wanaagsanaa, isla markaana uu yahay mid aan looga maarmayn fikirka si adduunka si wanaagsan loogu arko.”, 4 milyan oo arday oo sanadkan ka qalinjabineysa Jaamacadaha Mareyanka ayuu ugu baaqay iney nuqulka buugga kala soo dagaan website-kiisa gaar ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close