CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

“Indho Sarcaadka Cambaha”… Sidee Daawo Loogu Bedeli Karaa Ilbiriqsiyo Kooban

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in cambuhu uu xal wanaagsan u yahay mushkiladaha dhanka habdhiska dheefshiidka, marka loo barabardho cunnooyinka kale ee fiber-ku ku badan yahay.

Daraasaddan ayaa lagu ogaaday in cambuhu uu ka saameyn badan yahay milanka fiber-ka marka lagu daaweynayo shubanka iyo calool xanuunka, sababtuna waa maadada laga helo ee la yiraahdo “polyphenols” ku darso fiber badan oo laga helo.

Dadkii daraasaddan diyaariyay ayaa muddo 4 isbuuc ah ku dhex jiray tijaabo ay ku fulinayeen 36 qof oo rag iyo haween ah oo uu hayay calool xanuun chronic-ga, waxaa loo qaybiyay laba kooxood: tan koowaad waxaa maalintii si joogta ah ay u qaadanayeen 300 gr oo cambe ah, halka kooxda labaad ay qaateen fiber u dhigma oo cunnooyin kale ah.

Daraasadda ayaa gabagabeeda waxey daaha ka rogtay in labada kooxoodba ay muujiyeen in calool xanuunkii uu ku yaraaday, laakiin waxaa la arkay in cambuhu uu aad ugu wanaangsaan cunnooyinkii kale dhanka calool majiirka oo uu si weyn hoos ugu dhigay, marka loo barbardhigo fiber-kii conooyinka kale.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close