WacyigelinWararkaWaxbarashada

Sidee Dadka Kale Kuu Arkaan Dhanka Shaqada? Howlqabadkan Samee Si aad Jawaabta U Hesho

Ma sahlana inaad ogaato sida ay dadka kale kuu arkaan, inta badan aragti cad kama haysanno amaba waan ku wareersannahay oo waxba kama ogin. Waxaa dhici karta in arrintan oo aanuu qofku wacyi u lahayn ay keeni karto iney yareyso horumarkii uu dhanka shaqada ka gaari lahayn.

Waxaan idiin soo tarjunnay maqaal ay qortay hawenayda qoraaga ee la yiraahdo Kristi Hedges oo maqaalkan ku qortay Harvard Business Review.

Macmiil hore iigu xirnaa ayaa waxa uu doonayay inuu gaaro darajo maamul, laakiin waxa uu helay macluumaad u caddeynaysa in saaxiibadii ay u arkaan si taban iyo inuu yahay qof ay adag tahay in la raalligeliyo, arrintii loo sheegay aad ayuu ugu dhako faaray, waxa uu isku arkayay inuu yahay qof aad u falanqeyn badan, waxaana uu u haystay in dadka oo dhani ay fahamsan yihiin inuu doonayo in shaqada horumar wanaagsan ay gaarto. Ma aanuu ogeyn in wejigiisa ay ka muuqato inuu dadka la dagaalamayo ama sidii qof careysan oo kale uu u eeg yahay xilliga shaqada.

Macmiilkan waxaa uu la dhibaatoonayay waxa cilmi-nafsiga oo la yaaqaanno “Daahfurnaanta dhalanteedka ah.”, waa inuu qofku u maaleeyo naftiisa inuu yahay qof furfuran niyaddiisana ay dadka oo dhanni wada fahmi karaan, laakiin waxaa u soo baxay inuu gaab weyn u dhaxeeyo niyaddiisa iyo saameynta uu saaxiibadii ku leeyahay. Inta badan dadku ma fahmaan waxa firkirka qofka ka dhex guuxaya, waa sida uu yiraahdo saaxiib aan leeyahay : “Wejiyadu ma qurxoona marka ay fikirayaan.”. waxaa jira dareenka qaarkii waxa uu noqdaa mid aan kala caddeen in la fasiraana ay adag tahay, sida; dareenka niyad-jabka iyo dhibaayin marka ay qofka ku furan yihiin, wey adag tahay in labadaa arrimood la kala saaro.

Waxaaan ku soo bandhigay buugayga The Power of Presence; hab si fudud loogu qiimeeyo ra’yiga ay dadka kale kaa aaminsan yihiin. Waxaa lagaa rabaa oo kaliya inaad labo su’aalood weydiiso weydiiso dadka qaar, si aad u hesho macluumaadkii aad u baahenyd.

Iyadoo ay jir in howshani aaney waqti badan kaa qaadaneyn; ayaa hadana ay nafta u daal badan tahay badneyn. Arrintaa adigoo fiiro gaar ah u leh ogow in hadda la joogo waqtigii ugu habboonaa ee aad tijaabadaa sameyn lahayd.

Tabahan kaasho:

-Shan qof dooro. dooro 5 qof ee aad sida joogtada ah isku aragtaan, mas’uuliyiin fulinta, madaxda qeybtaada, saaxiibaadaa gaarka ah, xitaa kuwii hore ee aad isla soo shaqeyseen.

– Ka codso inaad si weji ka weji ah isku aragtaan. U caddee in wax kasta oo aad isdhaafsataan uu sir idiin yahay, si aad ra’yi wanaagsan oo cad aad uga hesho, una sheeg inaad dhowr qof oo kale aad wadasheekaysigan oo kale la yeelaneyso.

-Labadan Su’aalood weydii: inta uu kulanku idiin socdo labadan su’aalood weydii si aad macluumaadka u uruursato:

  1. Maxaa la iga aaminsan yahay?
  2. Maxaa saameyn ku yeelan kara guulahayga shaqo haddii aan sida hadda si ka duwan u qabto?

Waxaad maqli doontaa jawaabo kala duwan, waxey ku xiran tahay kolba qofka aad la kulmeyso.

-Falcelintaada xakamee. Iska ilaali inaad isku daydo inaad naftaada difaaco ama xaaladaha qaar aad faahfaahin iyo sharaxaado ka bixiso,  ra’yga saraaxadda leh ee aad dooneyso heli maysid illaa inta aad iska dejinayso, haddii lagu arko inaad isbedeshay cid kastaaba runta wey kaa qarineysaa.

Marka aad kulamada dhammeyso waxaad raadisaa meelihii ay ka wada sinnaayeen, haddii waxey dadka kale kaa aaminsan yihiin aaney ka duwaneyn waxaad isgu qabtay waa arrin wanaagsan, haddii aaney xaalddu sidaa ahayn, isku day inaad dabeecaddaada wax ka bedesho.

Inta badan macaamiishaydu markii ay shaqadaa qabtaan, waxey igu yiraahdaan maxaa xilli hore arrimaha la iigu sheegi waayay, waa arrimo fudud waxbaan ka bedeli kari lahaa!.

Waana sida uu yiri macmiilkii ay dadu sida khaldan u faham sanaayeen, waxa uu go’aansanday in uu niyaddiisa wanaagsan dadka kale la wadaago, waxa uu la dagaalamay weji macbuusnimadii dhanka shaqda, waxa uu noqday shaqaale furfuran. Markaa kadib dadku way dhex galeen waxeyna ogaadeen wanaagiisa faraha badan oo markii hore ka qarsoonaa.

Daahfurnaanta dhalanteedka ah maamulayaal badan ayey khiyaameysaa, nasiib wanaa, waa arrin gaabkeeda la dabooli karo, sida ay dadku kuu arkaan iyo sida aad adigu isku aragto. Uruuri macluumaad sugan kadib go’aan qaado si aad u bedesho waxyaabaha khaladka loo arko.

  Maqaalkan waxaa qortay Kristi Hedges: waa tababare xirfahadah hoggaaminta ah oo xiriirrada fulinta, waxey alifta buugga “The Power of Presence: unlock Your Potential to Influence and Engage Others, waa madaxa shirkadda The Hedges, waa xubin ka tirsan hay’adda macallimiinta mac’hadka hoggaanka guurguura ee Jaamacadda Georgetown University.

Xigasho: Harvard Business Review.

Related Articles

Close