WararkaWaxbarashada

Somaliland: Wasaaradda Waxbarashada oo Ka Hadashay Sababaha Loo Joojiyay Barnaamijka “Aqoon Jire”

Wasiirka Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Yaasiin Xaaji Maxamuud ‘Faratoon’ ayaa Isniintii waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu baahiyey tv-ga Bulsho kaasi oo ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradu joojiyey barnaamij aqooneedkii laga baahin jirey bulsho tv, kaasi oo lagu magacaabo “Aqoon jire”.

Haddaba wasiirka ayaa cadeeyey in aanu isagu joojin barnaamijkaa oo muhiimad balaaran u lahaa kobcinta aqoonta ardayda Somaliland, laakiin uu joojinta barnaamijkaasi uu masuuliyadiisa leeyahay mulkiilaha Bulsho TV.
Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaarad ahaan ay dedaal ugu jireen sidii ay kharash kab ah ugu heli lahaayeen barnaamijkaasi, laakiin uu mulkiilaha Bulsho iskii u go’aansaday in uu joojiyo.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashaddu isaga oo og muhiimadda balaaran ee uu u leeyahay kor u qaadka aqoonta ardayda waxa uu si weyn u taageeray barnaamijkan, waxaanu dedaal ka galay sidii kharash loogu heli lahaa maadaama oo miisaaniyada waxbarashada aanuu ku jirin.

Dhanka kale, wasiirku waxa uu sheegay in barnaamijkan sidii loo soo celin lahaa ay ka hawl-gali doono sida ugu dhakhsaha badan, sidoo kale waxa uu wasiirku Bulsho tv u soo jeediyey in ay ka waantoobaan si xun wax u sheegga, isla markaana aanay ka tegin milgaha iyo sharafta saxaafada taasi oo ay ka reeban tahay wararka been abuurka ah ee ula jeedadoodu tahay kicinta shacabka iyo ardayda si ay u helaan dano gaar ah.

Xigasho: Wasaaradda Waxbarasahda iyo Sayniska ee Somaliland

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close