arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Trump oo Ku Fakaraya Inuu Laalo Xukun 50 sano ka Hor Lagu Riday “Clay”.. Qoyska Feeryahanka: Mahadsanid Uma Baahnin!

Qareenka feeryahankii geeriyooday ee Mohammed Ali Clay ayaa ka hor yimid soo jeedinta madaxweyne Trump uu doonayo inuu darso cafis uu u fidinayo xukun feeryahanka lagu riday 50 sano ka hor.

Jariidada The Independent ayaa Jimicihii June 8, 2018 qortay in madaxweyne Trump uu si dhab ah u darsayo oo dib u eegis uu ku hayo sidii uu cafis ugu fidin lahaa halyaygii horyaalka feerka culus ee Mohammed Ali oo lagu riday sanadkii 1967, iyadoo lagu eedeeyay xilligaas inuu ka meermeeray ka qaybgalka dagaalkii Vietnam oo muhiimad waddani ah ahayd xilligaas.

Ron Tweel, oo ah qareenka xaaska iyo milkiyadda Mohammed Ali, ayaa sheegay in tallaabadan ayna wax muhiimad ah lahayn xilligan.

Bayaan uu soo saaray ayaa waxa uu ku yiri: “Waa qadarineynaa dareenka Madaxweyn Trump, laakiin cafintu muhiim maaha. Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa go’aan wadareed kaga soo horjeesatay eedaymaha Mohammed Ali sanadkii ee 1971. Mana jirto eedaymo cafin laga soo saaro xilligan.”

Mohammed Ali ayaa waxaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah, kadib markii uu diiday inuu ka qaybgalo dagaalkii Vietnam, laakiin waqtina xabsiga kuma aanuu qaadan. Xukunkaas oo racfaan laga qaatay ayaa lagu duray inaan xukuumaddu sabab ku fulan u keenin oo lagu eedayn karo Mohammed Ali, sidaa darteedna ay go’aamisay iney go’aankaa laasho si aqlabiyad leh, arrintaas oo ka dhigeysa faylkiisa mid dambi la’aan ah. Mohammed Ali ayaa geeriyooday sanadkii 2016 iyadoo da’diisu ay sii cagacageynayso 74 sano.

Maandeeq FM

Related Articles

Close