CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Waa Tan Sababta ay Khubaradu Uga Digayaan Hurdada Waqtiga Dheer (Cilmi-baaris)

Saynisyahanno Japanese ah ayaa waxey ogaadeen hurdada waqtiga kooban iyo tan xilli dheer ay labaduba kordhiyaan khatarta cudurrada Asaasaqa iyo geerida xilli hore dadka da’doodu ka weyn tahay 60-jirka.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu soo daabacay “Journal of the American Geriatrics Society” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, ayaa waxaa ka qaybgalay 1517 qof oo si gaar ah loola socday caafimaadkooda iyo caadooyinkood gaarka ah  muddo 10 sano ah.

Mudadaa ay daraasaddu socotay 294 qof ayaa waxaa ku dhacay asaasaq, halka ay geeriyoodeen 282 qof oo ka mid ah mutadawiciinta.

Natiijada daraasaddan ayaa waxey muujisay in asaasaqa iyo geeridu ay ku badneyd dadka maalintii seexda 5 saacadood ama saacado ka badan 10 saacadood, marka loo barbardhigo dadka seexda 6 ilaa 10 saacadood maalintii.

Iyadoo arrimahaa aan soo sheegnay ay jiraan ,ayaa hadana khubaradu waxey sheegayaan inshaqda dhanka jirka laga qabto ay taageerto oo ay ka kaabto saacado yar ee dhanka hurdada, shaqada jirka dadka da’da weyn waxey kaga badbaadaan asaasaqa.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close