arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xukun Maxkamadeed oo Lagu Mamnuucayo “Ila Qosolka” Internet-ka!

Khubaro dhanka sharciga ah ayaa ka digaya Qaanuun cusub oo Midowga Yurub ay soo waadaan, kaas oo ay suuraggal tahay in lagu mamnuuco in ila-qosolka kaftanka(Xaraaaad) ah ee lagu wadaago internet-ka.

Sida ay qortay BBC, Qaanuunkan ayaa waxa uu ka mid yahay hindise sharciyeedyo dhowr ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda copyright oo horyaalla Baarlamaanka Midowga Yurub.

Hindise sharciyeedkan oo biyo dhiciisu uu yahay in ila-qosolta qofkii xaqa u lahaa ee alifay un uu adeegsan karo ama qofka uu u ogolaado, ayaa kooxo dhanka xuquuqda u doodaa ay wadaan ol’ole ka dhan ah oo lagaga soo horjeedo, iyadoo baarlamaanka Yurub lagu wado inuu u codeeyo inta aaney dhammaan bishan aan ku jirno.

Qaanuunkan ayaa ulajeedadkiisu yahay in la ilaaliyo copyright uu qofka xaqa u leeyahay ee hal-abuurkiisa ah.

Dadka hindise sharciyeedkan ka soo horjeedaa waxey ku doodayaan in xannibaadahan cusub ay dhici karta inuu si khaldan u fasiro fahamka ay dadku ka qabaan adeegsiga internet-ka oo lagu soo rogayo xakameyn xad-dhaaf ah dadka adeegsada.

Maadada 13aad ee hindise sharciyeedkan waxey leeyahay: “Dadka baraha internetka ku leh waa iney qaadaan tallaabooyin ay heshiisyo kula galayaan  dadka hal-abuurka iska leh, si hal-abuurkooda ay u isticmaalaan.”

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa lagu doonayo in dib loogu eego xuquuqda copyright-ka waxyaabaha lagu faafiyo baraha internet-ka, gaar ahaan iyadoo la doonayo in dib loosoo celiyo isku dheellitiranka xuquuqda hal-abuurka iyo baraha internet-ka ka furan.

Ugu dambeyn, hadaba si aan si mug leh ugu fahamno waxa laga hadlayo ayaa ah xaraabaadka (meme): Muuqaal ama qayb ka mid ah qoraalka oo caado ahaan qosol badan kaas oo ay dadku intey copy ku sameeyaan ay si iskood ah ugu faafiyaan internter-ka, iyadoo xoogaa isbedel ah lagu sameynayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close