CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Khatarta Ay Kalinimadu Leedahay

Culumada caafimaadka ee ka qaybgashay shirka “Euro Heart Car 2018” ee ka dhacay Dublin Caasimadda Ireland, ayaa waxey isla qireen khatarta ay kalinimadu leedahay, waxey ku kordhisaa qofka khatarta ah inuu u dhinto cudurrada wadanaha iyo xidida dhiigga la xiraara gaar ahaan dadka da’da ah.

Dr. Anna  oo ka tirsan Jaamacadda Copenhagen ee Denmark ayaa tiri: “Sanad kasta, tirada dadka kalinimada dareemaa wey sii kordhayaan si xad dhaaf ah. Saaxiibadeen waxey arkeen in kalinimada iyo goonni joogo ay suuraggal tahay iney ka dhashaan natiijooyin stroog iyo cudurrada wadanaha la xiriira.”

Culumadan ayaa sannooyinkii ugu dambeeyay waxey isha ku hayeen sida dhinacyada kala duwan ee bulshadu oo uu qoysku ka mid yahay ay u saameeyaan caafimaadka qofka. Daraasaddan waxaa ka soo baxay in dadka kalinimada ku nool ay ka cimri gaaban yihiin dadka kale, sababta oo ah  waxaa ku badan stroogga iyo cudurrada wadanaha.

Ku darso, dhakhaatiirtan waxey si gaar ah u eegeen 200 oo daraasadood oo horey loo sameeyay, waxaa u soo baxday in kalinimadu ay dadka disho si ka badan buurnida iyo cudurrada kale, caado ahaan waxey dadkaasi u dhintaan cudurrada wadnaha iyo xididada dhiigga.

Sidaas oo kale, daraasaddan shirka lagu soo bandhigay waxaa lagu ogaaday in kalinimadu si isku mid ah ay u saameyso ragga iyo dumarka oo heerka geerida xilliga hore ay ku kordhiso labo laab.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close