arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mac’hadka Cilmi-baaristay Astronomy-ga ee Dalka Masar: Ciidul Fidrigu Waa Jimcaha Soo Aaddan

Mac’hadka Cilmi-baarista Astronomy & Geophysics-ka ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqay in xisaabta ay sameeyeen ay ku ogaadeen in maalinta koowaad bilashada bisha Shawaal ay tahay maalinta Jimcaha ee 15 June ee soo aaddan.

Xisaabaadka uu diyaariyay mac’hadka ayaa lagu ogaaday in maalinta 29 Ramadaan 1439 H ee waafaqsan June 14, 2018. ay tahay maalinta “aragtida” ee in bisha la raadiyo ay tahay, Samada Makka AlMukaramah waxaa laga arki karaa marka ay qorraxdu dhacdo ilaa 44 daqiiqo ka dib qorrax dhaca, halka Samada Qaahirana bisha laga arki karo inta u dhaxeysa 43-45 qorrax dhaca kadib, dowladaha inta soo hartay iyo magaalooyinka kale ee dunida islaamka waxaa laga arki doonaa ilaa marka ay qorraxdu dhacdo muddo u dhaxeysa 37 – 55 daqiiqo.

Sida xisaabta xidiguhu ay sheegayaan maalinta koowaad ee Shawaal 1439 H, waa maalinta Jimacaha ah ee 15 June, waana “Maalinta Koowaad ee Ciidda.”.

Si kastaba, Mac’hadka Ummadda ee Cilmi-baarista Astronomy & Geophysics-ka dalka Masar ayaa la aasaasay sanadkii 1903, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay macaahiddii ugu horreysay ee noociisa oo kale dunida Carabta, waxa uu soo saaraa kalandarka Hijriga, UNESCO waxey u dooratay sanadkii 2011 inuu ka mid yahay goobaha taariikhiga ah ee sida gaarka ah u suntan ee Caalamiga ah ee ku yaalla gudaha dalka Masar.

Ugu dambeyn, xisaabta saxda ah suuraggal maaha iney khilaafto aragtida isha ee bisha; waana sidaa ay go’aamiyeen “Majmac al-Buxuuth al-Islaamiyah” sandkii 1964-tii.

Maandeeq FM

Related Articles

Close