WararkaWaxbarashada

Saynisyahanno Fasiraad Ka Bixiyay Sida “Abeeso” Madaxa Ka Go’an Ay Qof Nafta u Dhaafsiin Karto

Abeeso madaxu ka go’an yahay ayaa gobolka Taxis ee gudaha dalka Mareykan  ku qaniintay wiil dhalinyaro ah oo indho la’aan waqti kooban ah uu ku dhacay.

David Penning oo professor biology ah oo wax kadhiga Southern State University ayaa waxa uu yiri: “Abeesooyinku ma xakameyn karaan kuleyla jirkooda, tamarbadanna jirkoodu ma gubo, sida aadanaha iyo noolaha kale ee dhiiggoodu kululyahay oo kale, sidaa darteed iyadoo ay madaxa ka go’an tahay ayaa hadana waxey sii noolaan kartaa daqiiqado kale, xitaa saacado.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Mucjisadan ay abeesadu sameyn karto suuraggal kama ahaa xayawaanka kale ee naasooleyda ah, xitaa haddii ay madaxa ka go’an tahay waxey sii noolaan kartaa waqti dheer.”

Caalimka dhanka Biology-ga ee la yiraahdo Scott Boback oo wax ka dhiga Jaamacadda Dickinson ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu sheegay in ay suuraggal tahay in abeesada wiilka dhalinyaradaha qaniintay aaney si ula kac ah u sameyn oo aanuu wacyigeedu joogin, markii ay qaniineysay.

Si kastaba, labadan cilmi-baare ayaa waxey isku raacsan yihiin inaan loo dhawaan madaxa abeeso xitaa haddii uu go’an yahay waa marka uu qofku doonayo inuu noloshiisa ilaashado.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close