WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay Tayada Tacliinta Sare ee Jaamacadaha

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasahda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maalinimadii shalay ka qaybgalay furitaanka laabab cusub oo Jaamacadda Soomaaliya lagu soo kordhiyay ayaa hoosta ka xariiqay in tacliinta sare ee dalka uu dib u kabasho wanaagsan ka muuqdo.

Wasiir Cabdiraxaam Daahir Cusmaan oo hadal kooban jeediyay ayaa ugu horreyn ka hadlay muuhimadda ay Jaamacaduhu leeyihiin, isagoo ammaan u soo jeediyay laababka cusub ee uu xarigga ka jaray:

“Jaamacaduhu sidooda waa xarumaha cilmiga, xarumaha hal-abuurka, waa xarumaha curinta waa xarumaha ilbaxnimada, markaa aad ayay muhiim u tahay dalkeennu inuu leeyahay xaruntaan aan maanta joogno oo kale, waa wax aan ku faani karno, tani waxey ka mid tahay dardargelintii aan wadnay ee waxbarashada heerkeeda Saddexaad ee tacliinta sare.”

Wasiirku waxa uu sheegay iney baryahanba wadeen kormeer ay ku kala bixiynayeen Jaamacadaha dalka isla markaana ay hoosta ka xarriiqayaan in waxbarashada sare ay si wanaagsan u soo kabsaneyso:

“[waxaan wadnay kormeer], Isla markaana aan u kuurgalno waxyaabaha ka socda Jaamacadaha, aanan soo ogaanno dalkeenna hay’adahan ka jira oo kale oo aanan weli marin, waxey ila tahay waxaan ku soo aragnay wax aad u wanaagsan, in aan aragnay dalkeenna inuu leeyahay xarun sidan oo kale ah oo bixisa waxbarashada heerkeeda Saddexaad, aan ku aragno qalab aad casri u ah oo tayo leh oo kala duduwan, runtii waxey nala noqotay wax weyn, tan ma moodeyn aniga, maalin dhaweytana markaan soo arkay Jaamacadaha oo maantana aan arkay, Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in dalka uu soo kabanaayo dhanka waxbarashada; khaasatan tacliinta sare.

Si kastaba, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanadkii hore ballanqaaday in uu kormeeri doono tayada waxbarashada dalka, isla markaana uu shatiga kala noqon doono Jaamacaddii aan u qalmin oo aan loo oglaan doonin iney waxbarasho sii waddo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close